HomeWarar(TALO-SOO-JEEDIN): Mudane Madaxweyne, Madaxda aad magacaabi doonto ka fiirso in aan Qabiil...

(TALO-SOO-JEEDIN): Mudane Madaxweyne, Madaxda aad magacaabi doonto ka fiirso in aan Qabiil loo eegin ee loo eego Qaran .

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

 

Mudanew Madaxweyne, marka hore waan ku salaamayaa

Salaan Dabadeed, Xilka Maanta laguu magacaabay ee Culus, Waxaan ilaaheey kaaga Baryayaa inuu kuu Fuduseeyo,

TALLO SOO JEEDIN

Anigoo ah ( Korneyl- C/raxmaan Carab Cilmi Cali ) Mudane Xilka Ummadda Soomaaliyeed aad u qabatay ee Yididiilada geliyay , Soomaaliya wey Hurudee wey toostay,

QODOBADA HOOS KU XUSAN

Qodobka Mudane Madaxweyne u Horeeya  tallo soo jeedinteyda , Waa Garsoorka iyo Caddaaladda in aad u yeesho Awoodda  Tayo ka madax-bannaan Korrebshanka

Qodobka Labaad waa Ciidanka , Dal aan Ciidan laheyni madhismo Xuduudana ma Ilaashado , Ciidan qaran oo lagu Xulay Orgaanikada .

Qodobka Saadexaad Ilaha Dhaqaalaha oo la adkeeyo aan Korrobshin laheyn Ciddii ka soo bixi kareysana loo dhiibo

Qodobka Afraad  Dastuurka Dalka uu leeyahay ee Qabyada ah in la Dhameystiri si loo helo Sharci iyo Kala dambeyn

Qodobka shannaad , In Gobolada Sharcigoodo ay Dowladda Dhexe kula Shaqeybn lahaayeen Waxna kula wadaagi lahaayeen in la dhameystiro

Qodobka Lixaad in aan Wax Xuduudo ah lookala jeedin Gobolada Federaalka ah si ayna Deegaanka iyo Daaqsinta u kala Xiran  Muranna uusan dhex gelin

Qodobka Todobaad ,  Madaxda Xilalka qaban doonta ee lagu aaminay ineey Dowladda Soomaaliyeed ee Fedeaalka ah howlo u qabtaan  imaad ka fiirsato oo aan Qabiil loo eegin ee loo eego Qaran .

Qodobka Sideedaad  in dib loo soo celiyo Wasaaradihii ay laheyd Dowladda ee loogu adeegaayay Dadweynaha in lagu soo celiyo Gacanta Dowladda dhgexe  Sida Wasaaradda Tacliinta, Sida Wasaaradda Caafimaadka , Sida Xoogga Korontada , Sida Wakaaladda Biyaha, Sida Isgaarsiinta  si ay dib ugu soo Noqdaan Gacanta Dowladda .

Qodobka Sagaalaad, Wareegtadaada soo baxdaa Waa in eey si cad u fusho lana Xaqiijiyo ineey Fushay Amaawiirtaas .

Mudane Madaxweyne

Waa ineeynan  Dowladda naga Noqon  Tu Garuubyo iyo kooxo u  kala Baxsan ee ay noqoto  Dowladmidnimo Qaran   ah

Mudane Madaxweyn in ay Dowladdaadu yeelato Ruug Caddaa Qeybo badan kaala Taliya oo aan Qabiil loo eegin ee Aqoon loo eego , Sida Gaashaan dhigga , Sida Dhaqaalaha, Sida Dhaqanka Beelaha Gobolada , Sida Federaalka Soohdimaha ee Dalka , Sida Siyaadda Mideynta oo lagu Saleynaayo Hab Dhaqameedka Siyaasadda Gobolada

In Shaqaalaha Wasaaradaha loo Xulo Aqoon iyo Tayeyn la tayeynayo , sideey wasaaradda walba u gudato Saqadeeda  loo Igmaday ee ay leedahay  Xag horumarin Shaqo iyo Dhaqaalaba , Shaqaalaheedana u siiso Xirfado iyo aqoon dheeraad ah

Siyaasayiinta u Hanqaltaageysa Xilalka Sare  ee Dalka ineey qabtaan , Maanta waxaa loo baahan yahay Nin  u Adeega Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka  ee Nin ka adeegta looma baahna , Waxaa la doonayaq  in Ninka ka qeybgalayaahi inuu Dhexda Xidho , Qaranka Soomaaliyeedna uu soo toosiyo oo u Shaqeeyo , Muran iyo Siyaasad iyo Qal-qalna  aanu soo gelin Dowladda .

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed oo maanta Hoggaanka Soomaaliyeed kuna hagaya  Waddadii toosneyd ku hagaya , wixii naga Xumaadayna ka Daba tagaya  in lala Shaqeeyo si daacad –nimo ah Dhammaan inta Xilka loo Dhiibi doono iyo Dadweynahaba Fadhiga ka kacaan oo Dowladda iyo Ummadda loo wada Shaqeeyo

IFTIIN NOO BAXAY IYO ARAGTI AAN U JEEDNO AYAA MAANTA INOO BAXAYA DIBNA U LAABAN MEYNO  WAANU HURUDNEE WAAN TOOSNAY , Ballan baana ku qaadnay Haddii aan Ciidanka qaranka nahay in aan waajibkayaga ka soo baxeyno , Amarada ka soo baxana aanu fulineyno, Howsha qarankana inaaynaan qofna oga waabaneyn , inta  naga xunna waxaan ilaahey ka rajeyneynaa in uu soo hanuuniyo Dalkooda iyo Dadkoodana ay u naxaan

Mudane Madaxweyne Aqoonteydii iyo Aaraadii aan Maskaxdeyda ka helay ayaan kugu biiriyay ee Ma’aha Amar ee waa tallo soo Jeedin .

GUUL  SOOMAALIYEE

MUDANE MADAXWEYNE ‘FARMAAJO’ NA HOGGAAMI

Waxaa Qoray: Korneyl C/raxmaan Carab Cilmi Cali

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories