HomeBarnaamijyada(DHEGEYSO): Prof. Maxamed Daahir: “40 milyan oo qof ayaa ku hadla Luqadda...

(DHEGEYSO): Prof. Maxamed Daahir: “40 milyan oo qof ayaa ku hadla Luqadda Soomaaliga”.

Date:

Related stories

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Digniin culus: Farmaajo oo Mareykanka kula Wadaagay khilaafka doorashada

Farmaajo oo kulan la qaatay diblomaasiyiinta Mareykanka, kuna digay doorasho hal dhinac ah. “Mucaaradku ma aqbali doono,

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta cusub

Soomaaliya: Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdifitaax Qaasim.

HIQ oo xiray tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gebagebeysay tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka.

Guddoomiyaha Akadeemiya-gobaleedka Afka Soomaaliga (AGA),  Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Toos ah oo uu barqanimadii maanta siiyey Idaacadda Dalsan ee magaalladdan Muqdisho.

Guddoomiyaha oo maanta marti u ah Maamulka Radio Dalsan waxa uu si qoto dheer uga hadlay Taariikhda iyo Hirgelinta Qoraalka Afka Soomaaliga, sida uu ugu baahayo Caalamka iyo khatarta dhinaca Duullaanka iyo Dabar go’a  Luqadaha Caalamka.

Waxa uu tilmaamay in 40 milyan oo qof ku hadlaan Luqadda Soomaliga, kuwaasi oo isugu jira dad Soomaali iyo Ajaaniib danaysa inay ku caano-maalaan Luqadeena Hooyo ee Hodanka ah.

Mar wax laga weydiiyey Duullaanka lagu hayo Afka Soomaaliga, waxa uu xusay inay jiraan 8 qoddob oo duullaan ku ah Afkeenna Hooyo, kuwaasi oo uu tilmaamay inay soo shaac baxeen dabayaaqadii sannadihii 90-aadka ee Dugsiyadda Gaarka ku soo bateen dalkeenna.

“Duullaanka Carabiyeynta iyo Luqadda English-ka ayaana si xawli ah loo dareemay, iyadoo Afkeenna halis u galo inay suuliyaan Luqadahaasi” ayuu yiri Dr. Afrax.

Waxa kale uu sheegay in Caalamka maanta laga xusayo maalinta Caalamiga ee Afka Hooyo, iyadoo dabaaldegaasi la asteeyey bishii February 21-dii ee sannadkii 1999-kii.

79 Waddan ayaa loogu dabaal degayo Maalinta Afka Hooyo waxayna Xafladda ugu weynna ka dhacayso Caasimadda dalka Faransiiska ee Paris, halkaasi  oo ay ku taallo Xarunta dhexe ee Hay’adda QM ugu qaabilsan W/barashadda, Sayniska iyo Dhaqanka ee UNESCO.

Dhinaca kale, Dr. Maxamed Daahir Afrax waa Qoraa Hal-abuur leh, wuxuuna soo saaray dhowr Buug oo ay ka mid yihiin:-

  1. Dal dad waaye iyo Duni Damiir beeshay,
  2. Fan-masrixyeedka Soomaalida iyo
  3. Sheekaddii caanka baxday ee Maana Faay.

Halkan ka dhegeyso Wareysiga uu Weriye Abuubakar Maxamed Cali la yeeshay Dr. Maxamed Daahir Afrax:-

 

©Radio Dalsan

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories