HomeWararKu-dhawaad 1.4 million oo Carrur ku nool Somalia iyo dalal kale oo...

Ku-dhawaad 1.4 million oo Carrur ku nool Somalia iyo dalal kale oo qarka u saaran dhimasho.

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Hay’adda QM ugu qaabilsan Daryeelka Carruurta ee UNICEF ayaa sheegtay in  ku-dhawaad 1.4 million carruur ah oo ku nool dalal ay Somalia ka mid tahay oo qarka u saaran inay  geeriyoodaan. Warbixin ay UNICEF soo saartay ayaa lagu sheegay inay carruurtaasi la dhibaataysan yihiin Nafaqo-xumo, lagana yaabo inay sannadkan geeriyoodaan, xilli ay Macluul baahsan ka […]

- Advertisement -

Hay’adda QM ugu qaabilsan Daryeelka Carruurta ee UNICEF ayaa sheegtay in  ku-dhawaad 1.4 million carruur ah oo ku nool dalal ay Somalia ka mid tahay oo qarka u saaran inay  geeriyoodaan.

Warbixin ay UNICEF soo saartay ayaa lagu sheegay inay carruurtaasi la dhibaataysan yihiin Nafaqo-xumo, lagana yaabo inay sannadkan geeriyoodaan, xilli ay Macluul baahsan ka jirto Somalia, South Sudan, Nigeria iyo Yemen.

- Advertisement -

UNICEF waxay sheegtay in Abaaraha ka jira Somalia horseeday inay 185,000 oo Carruur ah ay qarka u saaran yihiin macluul, waxaana laga cabsi qabaa inay tiradu gaarto in ka badan 270,000 oo carruur bilaha soo socda.

Hay’adda UNICEF waxay kaloo ka dayrisay Xaalladda Carruurta ku nool dalalka Yemen, Nigeria iyo kuwo kale, iyadoo ay Yemen ku dhibaataysan yihiin 462,000 Carruur ah, halka dalka Nigeria ku dhibaataysan yihiin 450,000 oo carruur ah.

Agaasimaha Hay’adda UNICEF. Anthony Lake waxa uu ku qaaday in la qaado Tallaabo Degdeg ah oo lagu badbaadinayo Carruurta nafaqa-xumida iyo macluusha ku hayso dalalkaasi.

- Advertisement -

Warbixinta UNICEF ayaa timid, hal maalin kadib, markii ay Dowladda South Sudan caddeeyeen inay Macluul ka jirto qeybo ka mid ah dalkaasi.

Dhinaca kale, Danjirayaasha Golaha Ammaanka ee QM ayaa la filayaa inay bisha soo socota Booqasho Kormeer ah ku soo kala bixiyaan Waqooyiga Nigeria, Cameroon, Chad iyo Niger, si ay u soo qiimeeyaan Heerka ay gaarsiisan tahay Macluusha iyo Abaaraha ka jira dalalkaasi.

©Radio Dalsan

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories