HomeWarar(DHAGEEYSO):- Hogaamiyaha Ahlusunna Wal-jamaaca oo muqdisho uyimid ka qeybgalka xaflada caleema saarka...

(DHAGEEYSO):- Hogaamiyaha Ahlusunna Wal-jamaaca oo muqdisho uyimid ka qeybgalka xaflada caleema saarka madaxweyne Farmaajo.

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Hogaamiyaha gobalada dhexe ee Ahlusunna wal-jamaaca ayaa markii ugu horeysay maanta yimid magaalada muqdisho,waxaana uu ka qeyb galayaa caleema saarka madaxweynaha cusub ee Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo berri lagu caleema saarayo Muqdisho. Sheikh Maxamed Shaakir iyo xubno lasocda ayaa goordhweyd soo gaaray magaalada muqdisho waxaana ay kasoo duuleen garoonka diyaaradaha ee degmada Guri-ceel ee gobolka […]

- Advertisement -

Hogaamiyaha gobalada dhexe ee Ahlusunna wal-jamaaca ayaa markii ugu horeysay maanta yimid magaalada muqdisho,waxaana uu ka qeyb galayaa caleema saarka madaxweynaha cusub ee Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo berri lagu caleema saarayo Muqdisho.

Sheikh Maxamed Shaakir iyo xubno lasocda ayaa goordhweyd soo gaaray magaalada muqdisho waxaana ay kasoo duuleen garoonka diyaaradaha ee degmada Guri-ceel ee gobolka Galgaduud.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay mardhweyd oo uu Sheikh Shaakir warbaahinta kula hadlay muqdisho inuu martiqaad ka helay dowladda cusub ee Farmaajo islamarkaana uu ka qeybgalayo xaflada caleema saarka ee Madaxweynah cusub oo lagu wado berri inay ka dhacdo magaalada muqdisho.

Maamulka gobalada dhexe ee Ahlusunna ayaa soo dhaweeyey markii madaxweyne loo doortay Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo kusoo baxay doorashada madaxweynaha ee dhacday seddeedii bishaan waxaana ay taageereen doorashada madaxweynaha iyo in la doorto Farmaajo halka ay markii hore si weyn kaga soo horjeedeen dowladii hore ee madaxweyne Xassan Sheikh.

- Advertisement -

Halkaan Hoose Ka Dhageeyso Codka Sheikh Shaakir.

 

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories