HomeWarar(SAWIRO): Ciyaartoy hore oo Kenyan ah oo ka mid ahaa Dagaalyahanadda Alshabaab...

(SAWIRO): Ciyaartoy hore oo Kenyan ah oo ka mid ahaa Dagaalyahanadda Alshabaab ee qaraxyadda la beegsaday Ciiddanka Kenya ee jooga Kul-biyow.

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Wargeyska The Standard, cadadkiisa maanta ayaa  lagu soo daabacay in Nin Kenyan ka tirsanaa Xarakadda Alshabaab uu  gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa  ku qarxiyey Xeradda ay Ciiddanka Kenya ku lahaayeen Deegaanka Kul-biyow ee Gobalka J/Hoose.

Wargeyska ayaa qoray in Baarayaal ka socday Ciiddanka Kenya  iyo Hay’addo kale muujiyeen in Weerarkii bishii January 27-dii lagu qaaday Xeraddaasi uu ku jiray Nin Kenyan oo lagu magacaabo Anwar Yogan Mawok, kaasi oo ka mid ahaa Weeraradii  Is-qarxinta ee lagu dilay tiro ka mid ah Ciiddankii Kenya ee joogay Xeradaasi.

Wargeyska waxa kale oo uu xusay inuu Anwar Yogan Mawok  ku dhashay Gobalka Siya sannadkii 1981-kii, waxa uu qaatay Diinta Islaamka, isagoo ka mid noqday Ciyaartoyda Naadiga K/Cagta ee Mathere United Club.

Anwar Yogan Mawok  waxa uu sannadkii 2013-kii ku soo biiray Guutadda Jaysh Ayman ee Xarakadda Alshabaab, isagoo ka qeyb galay Hawlgallo badan oo lagu weeraray Askarta Kenya ee joogta gudaha Somalia.

Duullaankii ay Dagaalamayaasha Alshabaab bishii hore ee January 27-dii ku qaadeen Xeradda Askarta Kenya ku lahaayeen Deegaanka Kul-biyow waxaa lagu dilay in ka badan 68 Askari, waxaana lagu gubay gaadiid badan oo isugu jiray kuwa Raaxadda, Xamuulka iyo Gawaaridda Gaashaaman ee Ciiddamadda.

Dowladda Kenya ayaa qiratay inuu khasaaro ba’an ka soo gaaray Weerarkaasi, inkastoo ay tirada dhimashadda ku sheegeen 14 Askari oo keliya.

Image result for kulbiyow attack

Image result for kulbiyow attackImage result for kulbiyow attack

Related image

©Radio Dalsan

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories