HomeWararMadaxweynaha oo la Kulmay Hay’adaha Gargaarka iyo Beesha Caalamka, isla markaasna Dhambaal...

Madaxweynaha oo la Kulmay Hay’adaha Gargaarka iyo Beesha Caalamka, isla markaasna Dhambaal ka helay Amiirka Qatar

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Muqdisho 13 Feberaayo 2017 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta qaabilay wufuud ka socotay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya si ay uga wada hadlaan sida ay beesha caalamka uga qeyb qaadan karto gurmadka abaaraha. Wafdigan oo uu hoggaaminayay K/Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay, ahna […]

- Advertisement -

Muqdisho 13 Feberaayo 2017 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta qaabilay wufuud ka socotay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya si ay uga wada hadlaan sida ay beesha caalamka uga qeyb qaadan karto gurmadka abaaraha.

Wafdigan oo uu hoggaaminayay K/Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Isu duwaha arrimaha gargaarka ee Soomaaliya Mudane Peter de Clerq ayaa isku afgartay in si degdeg ah loo qabto kulan ay goobjoog ka yihiin dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, hay’adaha gargaarka iyo guddiga gurmadka abaaraha kaas oo lagu lafa gurayo sidii kaalmo degdeg ah loo gaarsiin lahaa meelaha ay abaaruhu ku dhufteen.

- Advertisement -

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay Mudane Alexander Rondos iyo Danjire Veronique Lorenzo oo hormuud u ahaa wafdi ka socday Midowga Yurub, waxayna ka wada hadleen sidii Midowga Yurub uu u xoojin lahaa taageerada dhaqaale ee ay ku bixiyaan dhismaha hay’adaha amniga Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo ka guddoomay Mudane Xasan Bin Xamza oo madax ka ah safaaradda Qadar ee Soomaaliya, hambalyadaas oo ay soo direen Amiirka Qadar Mudane Tamim Bin Hamad Al Thani, Ku Xigeenkiisa iyo Ra’iisul Wasaaraha dalkaas, waxayna u rajeeyeen madaxweynaha cusub ee la doortay inuu Alle u fududeeyo hawlaha culus ee horyaalla.

Dhammaad

- Advertisement -

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories