HomeWararSUDAN: Dhismo ay deganaayeen Dhallinyaro Somali iyo Ajaaniib kale oo laga helay...

SUDAN: Dhismo ay deganaayeen Dhallinyaro Somali iyo Ajaaniib kale oo laga helay waxyaabaha qarxa.

Date:

Related stories

Somaliland President Irro Set for Official Visit to Israel

Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi, known as Irro, is...

President Mohamud: Opposition lacks political vision since 2023

Somali President Hasan Sheikh Mohamud said opposition groups have...

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka Cammaan, Urdun...

Three Officers Wounded as Al-Shabaab Strikes Elite SOG Base in Mandera

Three police officers sustained injuries when suspected Al-Shabaab fighters attacked a Special Operations Group (SOG) camp in Fino, located in Lafey Sub-County, Mandera County, on Friday night.

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.
- Advertisement -

Ciiddanka Ammaanka ee dalkaasi ayaa shalay qaaday Hawlgal ay ku baarayeen Dhismo ay deganaayeen Dhallinyaro u kala dhalatay Somalia, Masar iyo Syria, wax yar kadib, markii bam yar uu ku qarxay Koonfurta Caasimadda dalkaasi ee Khartoum.

Hadal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaasi ayaa lagu sheegay inuu Qaraxaasi ku dhaawacmay ninkii rakibayey bamkaasi, kaasi oo ay Ciiddanka ku raad-joogaan.

- Advertisement -

Ninka dhaawaca ayaa la sheegay inuu tegay Isbitaal u dhow halka uu qaraxu ka dhacay, balse ay Dhakhaatiirta diideen inay daaweeyaan, isagoo aan Boliska ka haysanin Qoraal lagu daaweyn karo.

Afhayeenka Boliska Sudan, Jeneral Cumar Al-mukhtaar ayaa sheegay inay socdaan Baaritaanka Boliska ee ku aadan faahfaahinta waxa sababay qaraxaasi.

Boliska Sudan waxay kaloo xaqiijiyeen qaraxaasi, sida laga soo xigtay Sarkaal Bolis oo ku sugnaa Xaafadda u uqaraxu ka dhacay oo lagu magacaabo Arkawit ee Koonfurta Khartoum.

- Advertisement -

Ciiddan badan ayaa isku gedaamay Dhismaha uu qaraxu ka dhacay, kaasi oo ay Dhallinyaro ka soo jeeda Dalalka Carabta deggan yihiin.

Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaasi waxay sheegtay inay Hawlgalkii ay Ciiddanka ka fuliyeen Dhismaha ay Dadka shisheeyaha degganaayeen ka heleen waxyaabaha qarxa iyo Baasabooro Ajnabi.

Ciiddanka ayaa sheegay inaysan cidna ku soo xirin Hawlgalkaasi, waxaana socda Baaritaano dheeraad ah.

Xigasho: REUTERS & SUDAN TRIBUNE

©Radio Dalsan

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories