HomeWararFAALLO:  Yaa loo saadaalinayaa Madaxweynaha la dooranayo ?

FAALLO:  Yaa loo saadaalinayaa Madaxweynaha la dooranayo ?

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

21-Murashax Madaxweyne ayaa la xaqiijiyey inay yihiin Murashixiinta u taagan Xilka Madaxweynaha, iyadoo 329-ka Xildhibaan ee Labada Aqal ee BFS ku guda-jiraan sidii ay u dooran lahaayeen Madaxweynaha cusub ee JFS.

Si xamaasad leh ayey ku socotaa Cod-bixinta, weyna adag tahay in Doorashadan la musuqmaasaqo ama siyaabo qaldan loo farsameeyo Cod-bixinta.

Murashixiinta Madaxweynaha ayaa u badan Shaqsiyaadka Labada Dhalasho leh (Dual Citizen), mana jiro Qoddob Dastuuri ah oo ka hor joogsanaya inay isku soo taagaan Xilalka Qaranka.

Qoddobka 88-aad ee Dastuurka DFS ayaa si cad u muujinaya inuu Murashaxu noqdo Muwaadin Somali Muslim ah, da’diisa tahay 40-sanno iyo wixii ka sarreeya iyo inuu yahay Shaqsi caafimaad qaba.

Waxaana suurto-gal in Madaxweynaha soo socdo noqdo Muwaadin Labo Dhalasho leh, ma jiro Murashax  sheegay haddii loo doorto Madaxweynaha Qaranka inuu ka tanaasulayo Dhalashada Ajnabiga ee uu haysto.

Waana xaqiiqo, haddii uu Murashax Laba Dhalasho leh ku guuleysto xilka Madaxweynaha inay horseedi karto Khatar ku timaada Madax-bannaanida Qaranka iyo sida loogu kalsoonaan karo Madaxweyne dhalashadiisa asalka ee Soomaalinimo ka door bida Dhalashada Shisheeyaha ee la siiyey.

Haddaba, haddaynu u soo laabano Saadaasha Madaxweynaha la filan karo, waxaa la qiri karaa inay jiraan Murashixiin la hadal-hayo inuu midkooda ku soo bixi karo Doorashadda, balse waxaa taasi bedelkeeda dhici karto inuu soo baxo Musharax kale oo aan xisaabta ku jirin.

Qoddobka ugu hadal-haynta badan ayaa ah inay Murashixiinta Madaxweynaha galaangal iyo juhdi badan u galeen Xodxodashadda Xildhibaanadda , iyadoo aan meesha laga saari karin inay jiraan Heshiisyo Qarsoodi ah oo uu Murashax kasta la wadaagay Xildhibaanadda uu codadkooda ku xisaabtami doono.

Waxaa laga wada dheregsan yahay inuu Murashixiinta ka dhexeeyo Loolan ku aadan Kursiga Madaxweynaha, waxaana wax ka soo qaad lahayn Isbahaysiga KMG ee ay inta badan Murashixiinta sheegeen inay isku taageeri doonaan Codadka Doorashadda.

Isbahaysiga KMG ayaa u muuqda mid Awr-ku-kacsasho, waxaan  la og yahay inaysan Siyaasadda lahayn Saaxiib joogta ah ee ay lahayd Danno joogto ah.

Waana hubaal inay Murashixiinta isku dhigayaan Dabin Siyaasadeed sababi karta in Murashaxa aan Feejignayn uu si fudud daaqadda looga tuuri karo.

Waana garawsho xumo haddii  ay Murashixiinta ku hodmaan Salaanta aan niyad ahayn iyo beenta loogu sacabka loo tumayo.

Marka aynu qiimeyn iyo xooraansi ku samayno Masraxa Murashixiinta isku garbinayso, waxaa laga dheehan karaa Siyaasiyiin magac iyo miisaan culus leh iyo kuwo mugdi la geliyo Waxqabadkooda iyo Waddaniyadooda.

Si kastaba ha ahaatee, saacadaha soo socda ayaa lagu kala bixi doonaa Doorashadda, lana  ogaan doonaa Murashaxa noqonayo Madaxweynaha la saadaalinayo ee Allow nooga dhig Madaxweyne Caadil ah oo Dadka, Diinta iyo Dalka u horseeda Horumar, Nabad, Caddaalad, Dib-u-heshiisiin, Dowlad-wanaag iyo Midnimo Qaran.

Aamiin.

©Radio Dalsan

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories