HomeWararQaxooti Somali oo ku naawilayey inay u dhoofaan Maraykanka oo dib loogu...

Qaxooti Somali oo ku naawilayey inay u dhoofaan Maraykanka oo dib loogu celiyey Xeradda Dhadhaab.

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Ku-dhawad 140 Qaxooti Somali ku sugan Kenya oo dib-u-dejin ka helay Maraykanka, balse uu saamayeyy Amarkii Donald Trump ku xayiray Safarka ayaa la sheegay in halkii ay ka bixi lahaayeen dib loogu celiyey Xerooyinka Qaxootiga Ma cadda sababaha dib  loogu celiyey hal maalin kadib, markii Garsoore ka tirsan Federalka Maraykanka si KMG u joojiyey Amarkii […]

- Advertisement -

Ku-dhawad 140 Qaxooti Somali ku sugan Kenya oo dib-u-dejin ka helay Maraykanka, balse uu saamayeyy Amarkii Donald Trump ku xayiray Safarka ayaa la sheegay in halkii ay ka bixi lahaayeen dib loogu celiyey Xerooyinka Qaxootiga

Ma cadda sababaha dib  loogu celiyey hal maalin kadib, markii Garsoore ka tirsan Federalka Maraykanka si KMG u joojiyey Amarkii Donald Trump, isla markaana fasaxay inay dadka u dhashay 7-da dale e Muslimiint soo geli karaan Maraykanka.

- Advertisement -

Saraakiisha Hay’adda Caalamiga ee Muhaajiriinta (IOM) oo maamusha Xarunta Transit-ka Qaxootiga ka dhoofaya Nairobi ku sugaan Duullimaadyadda ku sii jeeda Maraykanka ayaan weli ka hadlin arrintaasi.

Nadiir Xasan o oka mid ah Qaxootiga ay Boliska Kenya ku celiyeen Xeradda Dhadhaab ayaa Khadka Telefoonka ugu sheegay Wakaalladda Wararka AP ayaa sheegay inay dib ugu laabteen halkii ay ka soo bilaabeen Rajadoodii.

- Advertisement -

Nadiir Xasan oo 27-sanno ku jiray  Xero Qaxooti ayaa sheegay inuu rajeynayey inuu Maraykanka ka bilaabo Nolol Cusub, inuu helo Waxbarasho, shaqo iyo nolol, balse ay haatan dareemayaan murugo.

Saraakiisha Kenya ayaa sheegay inay Qaxootiga dib ugu laaban doonaan Somalia, waxayna ku doodeen inay Alshabaab u adeegsadaan Xeradda Dhadhaab inay dad ka qortaan iyo inay ku tababar qaataan, balse ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinay heegashadda Kenya.

Hay’addaha u dooda Xuquuqda Aadanaha ayaa ka dibad baxay Qorshaha Kenya ku xirayso Xeradda Dhadhaab , iyadoo in ka badan 250-kun oo Qaxooti lagu khasbay inay ka baxaan Xeradaasi, kuna laabtaan dalkooda hooyo ee Somalia.

Dhinaca kale, Afhayeenad u hadashay Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR) oo lagu magacaabo Yvonne Ndege ayaa shalay sheegtay inay Hay’adda baadi-goobayso qaab kale oo Qaxootiga Soomaalida ugu wareejinayso Xeradda kale ee Kakuma, halkaasi oo Hoy u ah Qaxooti badankooda ka yimid dalka Koonfurta Suudaan.

©Radio Dalsan

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories