HomeWararMagacyadda Ganacsatadii Soomaalida ee lagu dilay Koonfur Afrika oo la shaaciyey iyo...

Magacyadda Ganacsatadii Soomaalida ee lagu dilay Koonfur Afrika oo la shaaciyey iyo Kooxihii ka dambeeyey dilkaasi oo baxsaday.

Date:

Related stories

Midowga Afrika oo ku baaqay hal cod oo adduunka ah

Libreville, 20 May 2026 – Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AU),...

Somali Human Rights Body Secures UN Peacebuilding Support

The Chairperson of the Somali National Human Rights Commission,...

 Israa’iil oo soo dhaweysay safaaradda Somaliland ee Jerusalem

Tel Aviv, 20 May 2026 – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee...

Maryan Qaasim oo UN kula wadaagtay xuquuqda aadanaha

Maryan Qaasim oo UN kula wadatay xuquuqda aadanaha Muqdisho, Arbaco,...

Xamsa oo soo dhaweeyay safiirka cusub ee Jabuuti

Xamsa oo soo dhaweeyay safiirka cusub ee Jabuuti Muqdisho, 20...

Habeenkii Khamiista ee la soo dhaafay waxaa 3 Ganacsato Somali ah lagu dilay Xaafadda Site C ee Degaanka Khayelitsha ee duleedka magaalladda Cape Town ee dalkaasi.

Wrbaahinta dalkaasi ayaa sheegtay in Marxuumiinta lagu dilay goobahooda ganacsi wax ka yar 10-daqiiqo, waxaana baxsaday Kooxihii toogashadda geystay.

Allaha U Naxariisto Marxuuminta la dilay ayaa lagu kala magacaabi jirey:-

  1. Mahad Salaad Axmed oo 22-jir ahaa,
  2. Muxiyadiin Geeddi Cali oo 27-jir ahaa iyo Marxuum magaciisa lagu soo koobay C/salaam oo 28-jir ahaa.

In ka badan 100 qoys iyo saaxiibo ayaana ka qeyb galay Aaska Marxuumintaasi oo Salaadda Janaasdda lagula tukaday Masjidka Athlone, waxaana lagu aasay Qabuuraha Muslimiinta ee Cape Town.

Sidoo kale, Ganacsade Somali ayaa isagana isla habeenkaasi lagu toogtay Xaafadda Site C ee Deegaanka Khayelitsha, waxaana soo gaaray Dhaawac, iyadoo lagu daawaynayo mid ka mid ah Isbitaalladda deegaanka.

Qaar ka mid ah Soomaalida ehelka la ahaa Marxuumiinta la dilay ayaa Saxaafadda dalkaasi la wadaagay Tiiraanyadda iyo xanuunka ay ka qaadeen Dhllinyaradaasi la dilay.

Afhayeen u hadlay Boliska Koonfur Afrika oo lagu magacaabo Andre Traut ayaa xaqiijiyey dilka saddexda Ganacsatada Soomaalida , wuxuuna xusay inay Boliska wadaan baaritaan lagu soo qabanayo kooxihii dilka geystay.

Dilka Ganacsatadda Soomalida loogu geysanayo Xaafadda Site C ee Deegaanka Khayelitsha ayaa la tuhunsan yahay inay tahay aar-goosi dhimashadda gabadh Koonfur Afrikaan ah oo 7-jir ahayd, taasi oo ku geeriyootay Rasaas uu furay nin Ganacsade Somali ah oo la boobayey Dukaankiisa.

Ganacsadahaasi ayaa la sheegay inuu baxsaday, lamana oga halka uu ku dambeeyey.

Guddoomiyaha Jaalliyadda Soomaalida ee magaalladda Cape Town, Cabdi Calas Guure oo la hadlay Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolu Agency ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin, kana walaacsan yihiin dilalka lagu hayo dadka Soomaalida.

Waxa kale oo uu sheegay in in ka badan 20 Muwaadiniin Soomaali ah lagu dilay Deegaanadda ku haraaraysan magaalladda Cape Town sannadkii hore.

Tan iyo bishii December ee la soo dhaafay, 11-Ganacsato Somali ah ayaa lagu dilay dalka Koonfurta Afrika, iyadoo 9 ka mid ah lagu dilay Xaafadda Site C ee Deegaanka Khayelitsha.

©Radio Dalsan

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories