HomeWararKenya oo walaac ka muujiyey faya-qabka Carruurta Soomaalida ee daaweynta loo geeyo...

Kenya oo walaac ka muujiyey faya-qabka Carruurta Soomaalida ee daaweynta loo geeyo Isbitaalladda dalkaasi.

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Madaxa Caafimaadka ee Degmadda Laamu ee Kenya, Dr. David Mulewa ayaa muujiyey walaaciisa ku aadan tirada sii kordhaysa ee Carruurta Soomaalida ee ku taalla xuduudka Somalia iyo Kenya. Waxa uu tilmaamay inay Carruurtaas ka soo galaab Deegaanadda u dhow Xuduudka, oo ay ka mid yihiin Basuba, Kiunga iyo Ishakani ee Bariga Laamu. Dr. David Mulewa […]

- Advertisement -

Madaxa Caafimaadka ee Degmadda Laamu ee Kenya, Dr. David Mulewa ayaa muujiyey walaaciisa ku aadan tirada sii kordhaysa ee Carruurta Soomaalida ee ku taalla xuduudka Somalia iyo Kenya.

Waxa uu tilmaamay inay Carruurtaas ka soo galaab Deegaanadda u dhow Xuduudka, oo ay ka mid yihiin Basuba, Kiunga iyo Ishakani ee Bariga Laamu.

- Advertisement -

Dr. David Mulewa oo Saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa ayaa ayaa tilmaamay inay arrintaasi horseedi karto inay cudduro ka dhex dillaacaan Carruurta, wuxuuna xusay inaan la ogeyn inta badan Diiwaanka Tallaalka ee Carruurta Soomaalida ee daawada loo keeno Isbitaalladda Kenya, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu ugu baaqay Waaxda Socdaalka Kenya inay soo fara geeliyaan arrintaasi, lana xakameeyo carruurta xanuunsan ee daaweynta uga soo gudba xuduudka Somalia.

Inta badan Waalidiinta Soomaalida ee deggan Degmooyinka u dhow Xuduudka Kenya waxay door bidaan inay cararuurtooda daawo ahaan ugu kaxeeyaan gudaha Kenya, maaadaama aysan Deegaanadooda ka jirin Xarumaha Caafimaadka ee Asaasiga.

- Advertisement -

 ©Radio Dalsan

 

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories