HomeWararQM iyo Uganda oo  isku raacay baahida loo qabo Dhismaha Aragtida Siyaasadeed...

QM iyo Uganda oo  isku raacay baahida loo qabo Dhismaha Aragtida Siyaasadeed ee Qaranka Somalia.

Date:

Related stories

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni oo xalay kulan ku yeeshay Xarunta dhexe ee Ururka Midowga Africa ee magaalladda Addis Abeba ayaa ka wada hadlay Xaalladda Ammaanka ee dalalka Somalia, South Sudan, Burundi iyo Koongada Dimquraadiga. Labada Mas’uul oo maanta ka wada qeyb geli doona Shirweynaha 28-aad ee Hoggaamiyayaasha Qaaradda […]

- Advertisement -

Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni oo xalay kulan ku yeeshay Xarunta dhexe ee Ururka Midowga Africa ee magaalladda Addis Abeba ayaa ka wada hadlay Xaalladda Ammaanka ee dalalka Somalia, South Sudan, Burundi iyo Koongada Dimquraadiga.

Labada Mas’uul oo maanta ka wada qeyb geli doona Shirweynaha 28-aad ee Hoggaamiyayaasha Qaaradda Afrika ayaa waxay Kulankodoa si gaar ah diiradda ugu saareen Xaalladda Somalia, Hawlgalka AMISOM iyo Xilliga Kala-guurka ee Somalia.

- Advertisement -

Yoweri Museveni iyo Xoghayaha Guud ee QM, waxay isla qaateen baahida la xiriirta Dhismaha Aragtida Siyaasadeed ee Qaranka Somalia “The National Political Ideology”.

Dhinaca kale, Yoweri Museveni waxa uu ka codsaday Xoghayaha Guud ee QM in dalkiisa laga taageero xaalladda Qaxootiga ku sugan Uganda iyo in ay QM iyo Uganda qabanqaabiyaan  Shirweyne lagu taageerayo Qaxootiga, kaasi oo bisha March lagu qaban doono magaalladda Kampala.

Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres waxa uu shalay Kulan kale la qaatay Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta oo ay ka wada hadleen Xaalladda Somalia, Hawlgalka AMISOM iyo sidii loo xalin lahaa Khilaafka QM iyo Kenya ee Hawlgalka Nabad-ilaalinta dalka South Sudan.

- Advertisement -

©Radio Dalsan

 

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories