HomeWararDEGDEG: Muslimiin lagu dilay toogasho ka dhacday Masjid ku yaalla dalka Kanada.

DEGDEG: Muslimiin lagu dilay toogasho ka dhacday Masjid ku yaalla dalka Kanada.

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

5 qof ayaa ku geeriyootay, dhowr kalena wey ku dhaawacmeen, kadib, markii dabley wejiga soo hagoogtay ay rasaas ku fureen dad salaadii Cishaha ku tukanaysay Masjid ku yaalla Xarunta Dhaqanka Islaamka ee magaalladda Quebec (Kubeek). Goobjoogayaal ayaa sheegay in ilaa 3 dabley geysteen Toogashadaasi, xilli ku-dhawaad 40 qof jameeco ahaan u tukanayeen Salaadda Cisaha ee […]

- Advertisement -

5 qof ayaa ku geeriyootay, dhowr kalena wey ku dhaawacmeen, kadib, markii dabley wejiga soo hagoogtay ay rasaas ku fureen dad salaadii Cishaha ku tukanaysay Masjid ku yaalla Xarunta Dhaqanka Islaamka ee magaalladda Quebec (Kubeek).

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ilaa 3 dabley geysteen Toogashadaasi, xilli ku-dhawaad 40 qof jameeco ahaan u tukanayeen Salaadda Cisaha ee Xilliga dalka Kanada.

- Advertisement -

Wasiirka Ammaanka Dadweynaha ee dalkaasi, Ralph Goodle ayaa bartiisa Twitterka ku qoray inuu aad uga tiiraanyeysan yahay dadka naftooda waayey iyo kuwa lagu dhaawacay Toogashadaasi.

Afhayeenka Boliska magaalladda Quebec ayaa u sheegay Saxaafadda  inay jiraan dhibanayaal badan iyo dhimasho badan.

Waxa uu intaasi ku daray in 2 Eedeysane loo xiray falkaasi, oo mid ka mid ah la baacsaday xilli uu doonayey inuu baxsado.

- Advertisement -

Bishii June ee sammadkii hore, kuna beegnayd bisha Barakacaysan ee Ramadaan, waxay Kooxaha Islaam-nacaybka Kanada madax Doofaar dhigeen Albaabka laga galo Masjidka ay xalay ka dhacday Toogashadda sababtay dhimashada iyo dhaawaca.

 

©Radio Dalsan

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories