HomeCaalamkaMaxkamad ku taalla dalka Czech Republic oo laashay Dacwad Takoor oo ay...

Maxkamad ku taalla dalka Czech Republic oo laashay Dacwad Takoor oo ay u gubisay Ardayad Somali ah.

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Maxkamaddaasi oo ku taalla caasimadda dalkaasi ee Prague waxay shalay gaashaanka ku dhufatay dacwad ay soo gudbisay Gabar Somali ah oo lagu magacaabo Ayaan Jamaal Axmed Nuur, taasi oo sheegtay in loo diiday inay Xijaab ku dhigato Dugsi lagu barto Kalkaalisinimadda (Nursiung School). Kiiskan ayaa ah kii ugu horreysay oo ay Dowlad ka tirsan Midowga […]

- Advertisement -

Maxkamaddaasi oo ku taalla caasimadda dalkaasi ee Prague waxay shalay gaashaanka ku dhufatay dacwad ay soo gudbisay Gabar Somali ah oo lagu magacaabo Ayaan Jamaal Axmed Nuur, taasi oo sheegtay in loo diiday inay Xijaab ku dhigato Dugsi lagu barto Kalkaalisinimadda (Nursiung School).

Kiiskan ayaa ah kii ugu horreysay oo ay Dowlad ka tirsan Midowga Europe ku diidaan dacwad la xiriirta fauuq dhinaca Diinta.

- Advertisement -

Ayaan Jamaal Axmed Nuur oo sannadkii 2011-kii magangelyo Qaxootinimo ka heshay dalka Czech Republic ma aysan joogin dhegeysiga Go’aan-ka-gaarista dacwadeeda.

Qareenkeeda waxa uu doonayey Raalli-gelin iyo magdhow laga siiyo Khaasaaraha maaliyadda  oo dhamayd 2,350 Dollars, taasi oo ah Takoorka loo geystay gabadha dhibanaha ah.

Dhinaca kale,  Maamulaha Dugsiga ay dhigan jirtey Ardayadda Ayaan Jamaal Axmed Nuur ayaa ku dooday inaysan Ardayadaasi marnaba  iska diuiwaan gelinin Dugsigooda.

- Advertisement -

Dalka Czech Republic waxaa ku nool Mujtamac Muslimiin laga tiro badan yahay, kuwaasi oo tiradoodu u dhexeyso 10,000 ilaa 20.000 00 qof. Dalkaasina kama jiro Sharci muujinaya Labiska Diimaha.

©Radio Dalsan

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories