HomeWararSafaaradda Somalia ee Washington oo beenisay inay ku lug leeyihiin Dhallinyaro laga...

Safaaradda Somalia ee Washington oo beenisay inay ku lug leeyihiin Dhallinyaro laga soo masaafurinayo Maraykanka.

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

  Diplomaasiyiin Safaaradda Somalia ee magaalladda Washington oo la hadlay Radio Dalsan ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin warar maalmihii la soo dhaafay ay qoreen qaar ka mid ah Warbaahinadda Soomaalida oo ay ku sheegeen inay Safaraaddu ka dambeyso tallaabadda Dhallinyaro Soomaali ah looga soo tarxiili rabo dalka Maraykanka. Diplomaasiyiinta waxay iska fogeeyeen qorshaha ay […]

- Advertisement -

 

Diplomaasiyiin Safaaradda Somalia ee magaalladda Washington oo la hadlay Radio Dalsan ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin warar maalmihii la soo dhaafay ay qoreen qaar ka mid ah Warbaahinadda Soomaalida oo ay ku sheegeen inay Safaraaddu ka dambeyso tallaabadda Dhallinyaro Soomaali ah looga soo tarxiili rabo dalka Maraykanka.

- Advertisement -

Diplomaasiyiinta waxay iska fogeeyeen qorshaha ay Waaxda Socdaalka Maraykanka  doonayaan inay Dhallinyaradaasi dib ugu soo celiyaan dalka hooyo, waxayna hoosta ka xariiqeen inay Dowladda Maraykanka leedahay Go’aan ka-gaarista Dhallinyarada ay dhici karto in lagu soo celiyo Somalia.

Dhinaca kale, Diplomaasiyiintu waxay xuseen in ay Hawlaha Safaaraddu ka mid tahay  inay Muwaadiniinta Soomaalida u adeegaan, una fidiyaan wixii Dukumentiyo ay uga baahan yihiin iyo Tas-hiilaadka dhinaca Sharciga, iyadoo  aan la inkiri karin Xuquuqda Qofka Soomaaliga ku leeyahay Adeegga Safaaraddu u idman tahay.

- Advertisement -

Afartii sanno ee la soo dhaafay, Safaaradda Somalia ku leedahay Washington waxay  gacan u fidisay ilaa 40 Somali iskooda dib ugu soo laabtay  Somalia.

Sidoo kale, Xilligii uu Danjire Maxamed Cali Ameriko ahaa Safiirkii Safaaradda Somalia ee Nairobi waxa uu kaalin muuqata ka qaatay sidii Soomaalida ka soo laabanayo Maraykanka loogu fududeyn lahaa Dukumentiyadda iyo Adeegyadda Socdaalka.

©Radio Dalsan

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories