HomeWararKaaliyayaasha Donald Trump oo sheegay inay Dowladda Federalka iyo AMISOM baylihiyeen Taageeradda...

Kaaliyayaasha Donald Trump oo sheegay inay Dowladda Federalka iyo AMISOM baylihiyeen Taageeradda Maraykanka ee dagaalka Alshabaab.

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Gacan-yarayaasha Madaxweynaha La-doortay ee dalka Maraykanka, Donald Trump waxay dhawaan qoraal su’aalo ah u direen Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka oo ay wax ka weydiiyeen waxa ay Maraykanka ugu guuleysan la’ yihiin Dagaalka lagula jiro Xarakadda Alshabaab oo 10-sanno jirsaday. Wargeyska The New York Times ayaa loo dusiyey Qoraalka ay Kooxda Madaxweyne Donald Trump ku ifiyeen […]

- Advertisement -

Gacan-yarayaasha Madaxweynaha La-doortay ee dalka Maraykanka, Donald Trump waxay dhawaan qoraal su’aalo ah u direen Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka oo ay wax ka weydiiyeen waxa ay Maraykanka ugu guuleysan la’ yihiin Dagaalka lagula jiro Xarakadda Alshabaab oo 10-sanno jirsaday.

Wargeyska The New York Times ayaa loo dusiyey Qoraalka ay Kooxda Madaxweyne Donald Trump ku ifiyeen Siyaasadda Dibedda ee Maraykanka ee Qaaradda Afrika, gaar ahaan Taageeradda ay ka geystaan Dagaalka Alshabaab.

- Advertisement -

Qoraalkaasi oo ka koobnaa 4 bog waxaa su’aalaha lagu harqiyey Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ka mid ahaa  Kaalmadda Samafalka, Dagaalka lagula jiro Alshabaab, Boko Haram iyo Baadigoobaa Hoggaamiyaha Kooxda LRA-da Uganda, Joseph Kony.

Wargeyska Southern Tomes ee ka soo baxa dalka Koonfurta Afrika ayaa dib u daabacay Su’aalaha ay Kooxda Madaxweyne Donald Trump ugu qaabilsanaa Xilliga Kala-guurka u direen Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka.

“Sababte ayaa loogu guuleysan la’ yahay Dagaalka Alshabaab?” ayey Gacan-yarayaasha Donald Trump weydiiyeen Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka, waxayna qoraalkooda u dhigeen sidatan:

- Advertisement -

Dagaalka lagula jiro Alshabaab waxaa loogu guuleysan waayey dhowr sabab, kuwaasi oo kala ah:-

Marka ugu horreysa, Dowladda Somalia oo taageero iyo maalgelin ka hesha Beesha Caalamka, oo ay ku jirto Maraykanka ayaa si weyn u noqotay mid aan waxtar lahayn.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa hareeyey eedeymo lagu sheegay Musuq iyo xatooyadda Kaalmooyinka iyo in wax yar laga qabtay baahida aadka loogu baahan yahay Adeegyadda Dadweynaha tan iyo markii Madaxweynaha la doortay sannadkii 2012-kii.

Dowladda Somalia waxay weli ku xaniban tahay gudaha Caasimadda oo ay la jirto wax yar ama aysan wax badan ka maamulin dalka, iyadoo inta badan dalka u qeybsan yihiin Maamulo Federal oo dhamaantooda mucaarad ku ah Hoggaaminta iyo Danaysiga kala duwan waa sida lagu qoray Qoraalka ay Gacan-yarayaasha Donald Trump isku weydiiyeen sababaha ay Maraykanka ugu guuleysan la’ yihiin Dagaalka Alshabaab.

Su’aal kale ayaa waxay ku xiriirsanayd Ciiddanka AMISOM oo iyagu qeyb ka ah Dagaalka Alshabaab iyo xubinnimadda dalalka deriska, sida Kenya, Ethiopia iyo Uganda ee Hawlgalka AMISOM, waxaana Ciiddanka AMISOM ee ay Reer Galbeedka taageeraan lagu eedeeyaa Kufsiga Burcadnimadda ee Haweenka loo geysto, in cuntada Samafaka looga ganacsado si looga danaysto dumarka, taasi wax u dhintay sumcadda ay ku dhex leeyihiin dadka Deegaanka.

QM ayaa iyadana horey ugu eedeysay Ciiddanka AMIOM inay Hubka ay Maraykanka ugu deeqeen ka sii iibiyaan Alshabaab, waa sida ay Kooxda Donald Trump hadalka u dhigeen.

©Radio Dalsan

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories