HomeWararMAXAA LAGA BARTAY DOORASHADA LABADA AQAL(MAQAAL)

MAXAA LAGA BARTAY DOORASHADA LABADA AQAL(MAQAAL)

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Ma jiraan dalkeena Jaamacado iyo Hay’ado Qiimeeya Doorashada iyo hawlaha Dawlada, laakin Duruus iyo waaya aragnimo ayey Musharaxiinta iyo dadka Somaliyeed ka bara karaan Doorashada. Shalay waxaa la soo gaba-gabeeyey Doorashada labada Aqal oo ay ka soo baxeen Guddoon ka kooban lix Rag ah. Hadaba waxaa laga Bara karaa Qodobadan; 1. Labadii Guddi doorasho ee […]

- Advertisement -

Ma jiraan dalkeena Jaamacado iyo Hay’ado Qiimeeya Doorashada iyo hawlaha Dawlada, laakin Duruus iyo waaya aragnimo ayey Musharaxiinta iyo dadka Somaliyeed ka bara karaan Doorashada.
Shalay waxaa la soo gaba-gabeeyey Doorashada labada Aqal oo ay ka soo baxeen Guddoon ka kooban lix Rag ah.

Hadaba waxaa laga Bara karaa Qodobadan;
1. Labadii Guddi doorasho ee ay kala Hogaaminayeen Mr. Bayle & Mr. Dhega-juun oo lagu bartay; wadani-nimo, hawl-karnimo, hufnaan iyo daacad-nimo, oo aan laga baran Gudiyadii ka horeeyey ee uu Hogaaminayey Mr. OMar-dhegey.
2. Raga la doortay oo lagu yaqaan; wadani-nimo, dhex-dhexaad nimo, dawlad aqoon-nimo, aqoon fiican iyo hufnaan. Iyo ilaa xad in ay ka madax-banaan yihiin Madaxweynayaasha Dalka iyo Dawladaha Shisheeye, Siyaasadana horey loogu yaqiin qaar-kood.
3.4tii Nin ee ugu ololaha badneed labada Aqal oo laga adkaaday iyaga oo ay waliba riixayeen; qaar ka mid ah Madaxweynayaasha Dalka, Ganacsato iyo Dawlado Shisheeye sida lagu Xamanayo. Sida; Xidig iyo Faarax oo looga adkaaday Aqalka Hoose, Dheg-dheer iyo Cabdi-kaafi oo looga adkaaday Aqalka Sare oo lala yaabay dadaalkooda.
4. Qoondadii Haweenka oo laga tegay loona doodin kadib markii ay ka daaleen Madashii, Beesha Caalamka iyo Ururadii Haweenka u doodida Xuquuqda Haweenka markii ay Xaqiijiyeen 25% xubnaha labada Aqal.
5. Haweenkii labada Aqal oo Codkooda siiyey Raga lana hishiiyey kadib dagaalkii ku dhex-maray Gobalada.
6. Isu dheeli-tirka Qabiilka oo la ilaaliyey oo aad moodid in Somalida ay uga muhimsantahay Aqoonta iyo Kartida Qofka iyada oo lixda Nin ka soo jeedaan Lix Qabiil.

- Advertisement -

Hadaba waxaan ka bara karnaa;
– In olole iyo dhaqaale badan aysan guul keeneynin.
– In Buur ahaw ama Buur ku tiirsanaw ay been tahay markii laga reebo Rabbi ku tiirsanaw.
– In Qiimeynta Xildhibaanada iyo Musharaxiinta ay aad u kala fogyihiin.
-In la gaaray Xiligii Qofka lagu Qiimeyn lahaa Aqoontiisa , Kartidiosa iyo Hufnaantiisa.
-In Golayaasha Siyaasada oo Haweyn lagu badiyo macnaheeda aysan aheen in ay Madax u dooranayaan Haween.

 

Qalinki Pro Gacal

Latest stories