HomeCaalamkaDEGDEG: Haweeney Soomaali oo lala qabtay Ninkii Toogasho-wadareedka ka geystay Istanbuul.

DEGDEG: Haweeney Soomaali oo lala qabtay Ninkii Toogasho-wadareedka ka geystay Istanbuul.

Date:

Related stories

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...
- Advertisement -

Boliska Turkiga ayaa bilaabay inay su’aalo weydiiyaan Ninka lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyey weerarkii bilowgii bishan ka dhacay Dhismo lagu caweeyo oo ku yaalla magaalladda Istanbul, laguna dilay 39-qof.

Ninkaasi oo magaciisa lagu sheegay C/qaadir Masharipov ayaa waxaa xalay lagu soo qabtay Hawlgal ka dhacay Dhismooyin qaali ah oo ku yaalla Degmadda Esenyurt oo aan ka fogeyn magaalladda Istanbuul.

- Advertisement -

Ilaa 1,000 Askari ayaa loo xil-saaray baadigoobka iyo soo qabashada Ninkaasi oo muddo 2 isbuuc dhuumaalaysi ku jiray.

Wakaalladda Wararka u faafisa Dowladda Turkiga ee Anadolu News Agency ayaa sheegtay in Eedeysanaha lala qabtay lala soo qabtay wiil uu dhalay oo 4-jir ah, Nin  u dhashay dalka Karakhistan (Kyrgyzstan) iyo saddex haween oo u kala dhashay dalalka Somalia, Senegal iyo Masar.

Telefishinka Madaxa Bannaan ee NTV ayaa sheegay in Eedeysanaha iyo afarta kale su’aalo lagu weydiinayo Xarumaha Dhexe ee Boliska ee magaalladda Istanbul.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Istanbuul, ayaa la filayaa inuu dhawaan War Saxaafadeed ka soo saaro Hawlgalka lagu soo qabtay Ninkii ka dambeeyey Weerarkii bishan 1-dii ka dhacay Dhismaha lagu caweeyo  ee Reina nightclub oo ku yaalla magaalladda Isbtanbul.

©Radio Dalsan

Latest stories