HomeCaalamkaBoliska Turkiga oo sheegay inay qabteen Ninkii bilowgii bishan dadka badan ku...

Boliska Turkiga oo sheegay inay qabteen Ninkii bilowgii bishan dadka badan ku laayey Istanbuul.

Date:

Related stories

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...
- Advertisement -

Wargeyska Xuriyaat iyo Warbaahino kale ayaa maanta oo Talaado ah sheegay in ay Boliska qabteen Ninkaasi oo ku dhuumaalaysanayey dhismo weyn oo ku yaalla Degmadda Esenyurt, gaar ahaan dhinaca ay Dadka Reer Europe ka deggan yihiin.

Boliska ayaa sheegay in Ninkaasi uu watay magacyo kala ahaa C/qaadir Masharipov, kana soo jeeda dalka Usbakistaan lala qabtay wiil yar oo uu dhalay oo 4-sanno jir ah, balse Wakaalladda Wararka u faafisa Dowladda Turkiga ee Anadolu News Agency ayaa sheegtay in Hawlgalkaasi lagu soo qabtay 5 qof, oo uu ku jiray Ninka dilka geystay, 3 Haween iyo Nin asalkiisu ka soo jeedo dalka Karakistaan.

- Advertisement -

Ninkaasi ayaa ku eedeysan Weerarkii bilowgii bishan ka dhacay Dhismo lagu caweeyo oo ku taalla magaalladda Istanbuul, halkaasi oo uu ku dilay 39-qof oo 27 ka mid ahaayeen Shisheeye oo ka soo kala jeeday dalalka  Lubnaan, Sacuudiga, Urdun, Iraq, Tunisia, Hindiya, Moroko, Kanada iyo Israel.

Ugu yaraan 60-kale ayaa lagu dhaawacay Weerarkaasi oo uu fuliyey Eedeysanaha la qabtay.

- Advertisement -

©Radio Dalsan

 

Latest stories