HomeWararSafaaradda Masar oo dib looga furayo Muqdisho iyo Dowladdaa Federalka oo dhul...

Safaaradda Masar oo dib looga furayo Muqdisho iyo Dowladdaa Federalka oo dhul ugu deeqday.

Date:

Related stories

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Danjiraha dowladda Masar u jooga Somalia, Waliid Ismaaciil ayaa sheegay inay socdaan Qorshe dib loogu furayo Safaaraddii ay ku lahaayeen Caasimadda Somalia ee Muqdisho. Danjiraha oo Fadhigiisa Dhexe ku yaalla magaalladda Nairobi ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Wargeyska Yoom Sabca ee ka soo baxa Qaahira, wuxuuna tilmaamay in sida ugu dhaqsaha loo furi […]

- Advertisement -

Danjiraha dowladda Masar u jooga Somalia, Waliid Ismaaciil ayaa sheegay inay socdaan Qorshe dib loogu furayo Safaaraddii ay ku lahaayeen Caasimadda Somalia ee Muqdisho.

Danjiraha oo Fadhigiisa Dhexe ku yaalla magaalladda Nairobi ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Wargeyska Yoom Sabca ee ka soo baxa Qaahira, wuxuuna tilmaamay in sida ugu dhaqsaha loo furi doono Safaaradda, wuxuuna carrabka ku dhuftay inay Dowladda Federalka Somalia ugu deeqday dhul u gaar ah Safaaradda Masar oo ku yaalla magaalladda Muqdisho.

- Advertisement -

Danjiraha waxa uu tilmaamay inay soo hagaagayso Xaalladda Ammaanka ee Somalia oo ay dagaalo ka dhaceen, wuxuuna sheegay inuu 6 jeer booqday Muqdisho, iyo inuu kulamo la qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhinaca kale, Danjiraha dowladda Masar u jooga Somalia, Waliid Ismaaciil waxa uu tilmaamay inuu aad u xoogeysanayo Xiriirka Labada Waddan, isla markaana ay Somalia ka taageeraan dhinacyadda Amamanka, W/barashadda iyo Iskaashiga Ganacsiga.

Ugu dambeyntii, Danjire Waliid Ismaaciil waxa uu xusay inay 17 Macaallimiin ka socotay Jaamacadda AL-AZHAR ku sugan yihiin Somalia, kuwaasi oo wax ka dhiga  Dugsiyo ku yaalla Muqdisho iyo Goballadda kale.

- Advertisement -

©Radio Dalsan

Latest stories