HomeWarar(SAWIRO): Diplomaasiyiin u dhashay Imaaraadka oo lagu dilay qarax ka dhacay Afganistan.

(SAWIRO): Diplomaasiyiin u dhashay Imaaraadka oo lagu dilay qarax ka dhacay Afganistan.

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta shaacisay inay 5 ka mid ah Diplomaasiyiintooda lagu dilay qarax shalay ka dhacay magaalladda Khandahaar ee Koonfurta dalka Afganistan. Madaxweynaha dalka Imaaraadka, Sheekh Khaliifa Bin Saayid Al-nahyaan waxa uu amray in Calanka hoos loo dhigay muddada 3-da maalmood ee ay socotay Baroordiiqa loo samaynayo Diplomaasiyiinta lagu dilay dalka Afganistan. Wakaalladda […]

- Advertisement -

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta shaacisay inay 5 ka mid ah Diplomaasiyiintooda lagu dilay qarax shalay ka dhacay magaalladda Khandahaar ee Koonfurta dalka Afganistan.

Madaxweynaha dalka Imaaraadka, Sheekh Khaliifa Bin Saayid Al-nahyaan waxa uu amray in Calanka hoos loo dhigay muddada 3-da maalmood ee ay socotay Baroordiiqa loo samaynayo Diplomaasiyiinta lagu dilay dalka Afganistan.

- Advertisement -

Wakaalladda Wararka Imaaraadka ee WAM ayaa sheegtay in Weerarka ka dhacay magaalladda Khandahaar lagu dhaawacay Danjirihii u jooga dalka Afganistan, Jumca Maxamed C/llaahi Al-kacbi.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Imaaraadka ayaa lagu sheegay in joogitaanka Diplomaasiyiinta Imaaraadka Carabnta ee magaalladda Khandahaar qeyb ka ahayd Hawlgalka dhinaca Samafalka Aadminimadda.

Diplomaasiyiinta u dhalatay Imaaraadka ee lagu dilay qaraxaasi waxaa lagu kala magacaabi jirey Maxamed Cali Zaynal-bastaki, C/llaahi Maxamed Ciise Cubaydi Al-kacbi, Axmed Rashiid Saalim Cali Al-marsuuqi, Axmed C/raxmaan Axmed Al-tunayji iyo C/xamiid Suldaan C/llaahi Ibraahim Al-xamadi.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Saraakiisha dalka Afganistan ayaa sheegay in qaraxa Khandahaar lagu dilay ugu yaraan 7-qof, iyadoo 18 kale oo uu ka mid yahay Safiirka Imaaraadka lagu dhaawacay.

 

©Radio Dalsan

Latest stories