HomeWararRa’isul-wasaaraha Turkiga oo booqashadiisa ugu horreysay ku jooga dalka Iraq.

Ra’isul-wasaaraha Turkiga oo booqashadiisa ugu horreysay ku jooga dalka Iraq.

Date:

Related stories

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray kumannaan askari Xananbuure

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tababar u soo xiray kumannaan askari oo hal sano ku qaatay Xananbuure, kuwaas oo ah ciidamadii ugu badnaa ee tababar ku qaata gudaha dalka tan iyo burburkii 1991-kii.

Jeexjeexyada Maqaarka: Yaa Ku Dhaca, Ma La Daaweyn Karaa?

Jeexjeexyada maqaarka waa xarriiqo caadi ah oo ka dhalan kara miisaan isbeddel uur, koritaanka jirka ama arrimo hidde-side ah Laakiin maxa sababa, yaase ugu badan mase dhab ahaan waa la daaweyn karaa?

Telefishinka Dowladda Iraq ayaa sheegay in Ra’isul-wasaaraha Turkiga, Binaali Yildirim uu  booqasho labo maalmood ah ku yimid magaalladda Baqdaad, waana booqashadiisii ugu horreysay tan iyo markii uu Labada Dowladood soo kala dhex galay Khilaafka ku aadan Askarta Turkishka ee ku sugan Waqooyiga Iraq. Waxaa Garoonka Diyaaradaha Baqdaad ku soo dhaweeyey Ra’isul-wasaaraha Iraq, Xaydar Al-cabaadi, waxayna […]

- Advertisement -

Telefishinka Dowladda Iraq ayaa sheegay in Ra’isul-wasaaraha Turkiga, Binaali Yildirim uu  booqasho labo maalmood ah ku yimid magaalladda Baqdaad, waana booqashadiisii ugu horreysay tan iyo markii uu Labada Dowladood soo kala dhex galay Khilaafka ku aadan Askarta Turkishka ee ku sugan Waqooyiga Iraq.

Waxaa Garoonka Diyaaradaha Baqdaad ku soo dhaweeyey Ra’isul-wasaaraha Iraq, Xaydar Al-cabaadi, waxayna yeesheen Kulan Hordhac ah oo aan faahfaahin laga bixinin.

- Advertisement -

Ra’isul-wasaaraha Iraq oo Kulankaasi kadib ka hadlay Telefishinka Dowladda ayaa sheegay  in Heshiis laga gaaray Codsiga Iraq ee ahaa inay Ciiddanka Turkish-ka ka baxaan Saldhigga Bashiiqa ee u dhow magaalladda Mosu ee Waqooyiga Iraq.

Dhinaca kale, Danjiraha Turkiga u jooga Baqdaad, Faaruuq Kaymakji ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay inay rajeynayaan inay Booqashadaasi baal cusub u furi doonto Xiriirka Iraq iyo Turkiga.

- Advertisement -

Joogitaanka Ku-dhawaad 500 Askari oo Turkish joogaan Saldhigga Bashiiqa ee W/bari ee magaalladda Mosul ayaa sababtay inuu xumaado xiriirka labadaasi Waddan dabayaaqadii sannadkii hore.

Dowladda Turkiga waxay Ciiddankaasi u arkeen kuwo xoog ku jooga dalkooda, balse Turkiga ayaa sheegtay inay Ciiddankooda casuumeen Ciiddanka Iraq ee hoos taga Maamulka Waqooyiga Iraq.

©Radio Dalsan

Latest stories