HomeWararKumanaan Qaxooti ay ku jiraan dad Somali ah oo horey isaga dhiibay...

Kumanaan Qaxooti ay ku jiraan dad Somali ah oo horey isaga dhiibay dalka Switzerland oo la la’ yahay.

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Hadal ka soo baxay Xafiiska Socdaalka ee The Swiss Migration Office (SEM) ayaa lagu sheegay in mudadii u dhexeysay bilihii Janaayo ilaa dhamaadka bishii November ee sanaddkii hore ee 2016-ka in ku-dhawaad 8,166 Qaxooti Magangelyo-doon ah laga waayey Nidaamka Diiwaan-gelinta Qaxootiga ee dalkaasi. Tiradda Qaxooti ee la waayey ayaa la sheegay inay tahay sare-kicii ugu […]

- Advertisement -

Hadal ka soo baxay Xafiiska Socdaalka ee The Swiss Migration Office (SEM) ayaa lagu sheegay in mudadii u dhexeysay bilihii Janaayo ilaa dhamaadka bishii November ee sanaddkii hore ee 2016-ka in ku-dhawaad 8,166 Qaxooti Magangelyo-doon ah laga waayey Nidaamka Diiwaan-gelinta Qaxootiga ee dalkaasi.

Tiradda Qaxooti ee la waayey ayaa la sheegay inay tahay sare-kicii ugu ballaarnaa ee sannooyinkii la soo dhaafay.

- Advertisement -

Sannadkii 2015-kii, waxaa Diiwaanka dalka Switzerland laga waayey ku-dhawaad 4,493 Qaxooti magangelyo-doon ahaa, halka sannadkii ka horreeyey ee 2014-kii la waayey 5,501 Qaxooti iska dhiibay dalkaasi.

Afhayeenka Xafiiska Socdaalka ee dalka Switzerland “The Swiss Migration Office (SEM)” oo la hadlay Wakaalladda Wararka ee Swiss National News Agency (ATS) waxa uu u sheegay inay  jiraan dhowr sabab oo Qaxootiga looga waayo Nidaamka Qaxootiga ee dalkaasi, iyagoo aan waxba u sheegin Maamulayaasha dalkaasi.

Waxa uu intaasi ku daray inay Qaxootigaasi u maleeyaan in Codsiyadooda Magangelyo-doonka la diiay ama iyagoo doonaya inay aadaan dalal kale, si ay u helaan xubno ka tirsan Qoysaskooda oo ay la midoobaan.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Xafiiska Socdaalka ee The Swiss Migration Office (SEM) ayaa soo bandhigay Tirada Qaxootiga ee sannadkii  laga waayey Nidaamka dalkaasi, kuwaasi oo badankooda ka yimid dalalka Qaaradda Afrika, waxayna kala yihiin   494 Qaxooti Somali ah, 801-Eritrean, 792 Qaxooti u dhashay Gambia, 716 Qaxooti Nigerian, 508 Qaxooti u dhashay dalka Gini  iyo 504-Qaxooti u dhashay dalka Algeria.

©Radio Dalsan

Latest stories