HomeWararDoorashadda Somalia oo dib u dhigtay qorshihii Dowladda Sacuudiga loogala hadli lahaa...

Doorashadda Somalia oo dib u dhigtay qorshihii Dowladda Sacuudiga loogala hadli lahaa Xayiraadda ay ku soo rogtay Xoolaha Somalia.

Date:

Related stories

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray kumannaan askari Xananbuure

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tababar u soo xiray kumannaan askari oo hal sano ku qaatay Xananbuure, kuwaas oo ah ciidamadii ugu badnaa ee tababar ku qaata gudaha dalka tan iyo burburkii 1991-kii.

Jeexjeexyada Maqaarka: Yaa Ku Dhaca, Ma La Daaweyn Karaa?

Jeexjeexyada maqaarka waa xarriiqo caadi ah oo ka dhalan kara miisaan isbeddel uur, koritaanka jirka ama arrimo hidde-side ah Laakiin maxa sababa, yaase ugu badan mase dhab ahaan waa la daaweyn karaa?

U-qeybsanaha Hawlaha Ganacsiga ee Qunsulliyadda Guud ee Somalia ku leedahay magaalladda Jeddah ee dalka Sacuudiga, Cali Xaaji ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu siiyey Wargeyska Eqtisaadiyah , wuxuuna xusay in Go’aanka ka soo baxay Wasaaradda Beeraha, Biyaha iyo Deegaanka ee Sacuudiga ku xayirtay Xoolaha laga keenayo Somalia inay joojinayso  ku-dhawaad 5,000 00 […]

- Advertisement -

U-qeybsanaha Hawlaha Ganacsiga ee Qunsulliyadda Guud ee Somalia ku leedahay magaalladda Jeddah ee dalka Sacuudiga, Cali Xaaji ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu siiyey Wargeyska Eqtisaadiyah , wuxuuna xusay in Go’aanka ka soo baxay Wasaaradda Beeraha, Biyaha iyo Deegaanka ee Sacuudiga ku xayirtay Xoolaha laga keenayo Somalia inay joojinayso  ku-dhawaad 5,000 00 neef oo xoolo ah oo sannad kasta loo soo dhoofin jirey Sacuudiga.

U-qeybsanahaasi waxa uu tilmaamay inay kala shaqeynayaan Sacuudiga sidii xal looga gaari lahaa Xayiraadda lagu soo rogay Xoolaha Somalia, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Suuqa Sacuudiga yahay kan ugu weyn ee loo soo dhoofiyo Lo’da laga keeno Somalia.

- Advertisement -

Waxa kale oo uu xusay in hawlaha Doorashadda ee ka socota dalka dib u dhigtay sidii loo xalin lahaa xayiraadda Xoolaha loo soo dhoofiyo Sacuudiga.

Dhinaca kale, Wasaaradda Beeraha, Biyaha iyo Deegaanka ee Dowladda Sacuudiga ayaa horey u sheegtay in sababaha ay u xayireen Xoolaha looga soo dhooin jirey Somalia tahay kadib, markii Tijaabo dhinaca Shaybaarka lagu ogaaday inay Xoolaha Somalia qabaan Xanuunka Rift Valley iyo Cuddurka kale ee xoolaha kaga dhaca Afka iyo Cagaha (Foot and mouth disease).

Si kastaba ha ahaatee, go’aanka ay Dowladda Sacuudiga ku xayirtay Xoolaha Somalia, waxay caqabad ku noqdeen  qorshihii Sacuudiga loogu dhoofin lahaa 5,000 oo neef oo lo’ ah.

- Advertisement -

Xigasho: El-iqtisadiyah

©Radio Dalsan

Latest stories