HomeWararObama oo sheegay inuu Maxaabiis kale ka sii dayn doono Xabsiga Guantanamo...

Obama oo sheegay inuu Maxaabiis kale ka sii dayn doono Xabsiga Guantanamo iyo Donald Trump oo gaashaanka ku dhuftay.

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Afhayeenka Aqalka Cad ee looga taliyo dalkaasi, Josh Earnest ayaa sheegay in Maxaabiis badan lo owareejin doono dalal kale, ka hor inta uusan Madaxweyne Obama bishan Janaayo 20-da xilka ku wareejinin Madaxweyne La-doortay ee dalkaasi, Donald Trump. Ku-dhawaad 20 ka mid ah Maxaabiista ku xiran Xabsigaasi ayaa la xaqiijiyey in dalal kale loo wareejin doono, […]

- Advertisement -

Afhayeenka Aqalka Cad ee looga taliyo dalkaasi, Josh Earnest ayaa sheegay in Maxaabiis badan lo owareejin doono dalal kale, ka hor inta uusan Madaxweyne Obama bishan Janaayo 20-da xilka ku wareejinin Madaxweyne La-doortay ee dalkaasi, Donald Trump.

Ku-dhawaad 20 ka mid ah Maxaabiista ku xiran Xabsigaasi ayaa la xaqiijiyey in dalal kale loo wareejin doono, inkastoo si loo helo Dalal oggolaada qaadanayso waqti-lumis kale.

- Advertisement -

Hadalka Afhayeenka ayaa soo baxay dhowr saacadood kadib, markii uu Donald Trump bartiisa Twitterka soo dhigay inaan Maxaabiis kale laga sii dayn Karin Xabsiga Guwatanamo Bay.

Waxa uu intaasi ku daray inay Maxaabiistaasi ku jiraan dad khatar badan, oo loo oggolaan doonin inay dib ughu laabtaan goobaha Dagaalka.

Donald J. Trump

- Advertisement -

✔@realDonaldTrump

There should be no further releases from Gitmo. These are extremely dangerous people and should not be allowed back onto the battlefield.

Haatan waxaa Xabsiga Guwatanamo ku xiran 59 Maxaabiis Muslimiin ah, kuwaasi oo aan weligooda dacwad lagu soo oogin, lana soo maxkamadaynin.

Ka hor inta uusan Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka, George W. Bush xilka ka degin waxa uu sii daayey ama dalal kale u wareejiyey ku-dhawaad 500 Maxbuus oo ku xirnaa Guwatanamo Bay, halka Madaxweyne Obama sii daayey ama dalal kale u wareejiyey ku-dhawaad 179 ka mid ah Maxaabiista ku xiran Xabsigaasi.

©Radio Dalsan

Latest stories