HomeWarar(SAWIRO): Ra’isul-wasaare Cumar Cabdirashiid oo Kormeer ku tegay Dhismaha Cusub ee Aqalka...

(SAWIRO): Ra’isul-wasaare Cumar Cabdirashiid oo Kormeer ku tegay Dhismaha Cusub ee Aqalka Sare ee Barlamaanka.

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo weheliyaan xubno ka tirsan Aqalka sare ayaa kormeer ku tagey xafiisyo cusub oo loo diyaariyey in ay ku shaqeeyaan Xubnaha Aqalka Sare ee Soomaaliya. Waxana ay kormeer ku tageen qaybaha kala duwan ee ka kooban yahay dhismaha oo isgu jira Xafiisyo iyo Hoolka […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo weheliyaan xubno ka tirsan Aqalka sare ayaa kormeer ku tagey xafiisyo cusub oo loo diyaariyey in ay ku shaqeeyaan Xubnaha Aqalka Sare ee Soomaaliya. Waxana ay kormeer ku tageen qaybaha kala duwan ee ka kooban yahay dhismaha oo isgu jira Xafiisyo iyo Hoolka Shirarka.

Dhismahan ayaa waxa uu ku yaalaa degmada Shibis, waxana dhisay Dawladda Turkiga, iyadoo loo qorsheeyey in uu noqdo xarunta ay ku shiri doonaan Aqalka ee Soomaaliya kuwaas oo horey dalkeena uga jirin.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashid ayaa uga mahadceliyey dawladda aynu walaalaha nahay ee Turkiga sida wanaagsan ee mar waliba ay u garab taagan tahay Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, wuxuna tilmaamay in dhismahani uu dabooli doono baahidii loo qabay xarun ay ku shaqeeyaan Aqalka Sare ee Soomaaliya.

“Waxaan halkaan uga mahadcelineynaa Dawladda an walaalaha nahay ee Turkiga ee gacan buuxda naga siisay dhismaha xaruntan cusub naguna wareejisay, halkani waxay noqon doontaa dhismaha ay ku shiri doonaan Xubnaha Aqalka Sare iyo xafiisyadii ay ku shaqayn lahaayeen”ayuu yiri R/Wasaare Cumar.

Ra’isul-wasaaraha ayaa waxaa kormeerka ku weheliyey Senator Abshir Bukhaari, Senator Prof Cabdirisaaq Xasan Cismaan Juurile iyo Senator Cabdi Axmed Dhuxulow Dheg-dheer oo dhammaantood ka mahadceliyey sida wanaagsan ee Dawladda Turkigu ugu wareejisay dhismahan xarunta u noqon doona Aqalka Sare ee dalka.

- Advertisement -


_DHAMMAAD__

Ahmed-nur Mohamed 
Prime Minister’s Media Office 
Mogadishu, Somalia 
media.opm@gmail.com 
Twitter: @SomaliPM

Latest stories