HomeWararDiplomaasiyiintii Raashiya ee lagu amray inay isaga baxaan Maraykanka oo u soo...

Diplomaasiyiintii Raashiya ee lagu amray inay isaga baxaan Maraykanka oo u soo dhoofay dalkooda.

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Wakaalladda Wararka Raashiya ee RIA ayaa sheegtay inay 35-kii Diplomaasi ee laga soo eryey Maraykanka ay xalay ka soo ambabaxeen magaalladda Washington. Madaxweyne Barack Obama ayaa horey u amray in Diplomaasiyiinta laga cariyo dalkiisa, kadib, markii looga shakiyey inay ku lug leeyihiin Falal Basaasnimo iyo Dhac loo geystay Kombiyuutarada Siyaasiyiin Maraykan aah muddadii ay socdeen […]

- Advertisement -

Wakaalladda Wararka Raashiya ee RIA ayaa sheegtay inay 35-kii Diplomaasi ee laga soo eryey Maraykanka ay xalay ka soo ambabaxeen magaalladda Washington.

Madaxweyne Barack Obama ayaa horey u amray in Diplomaasiyiinta laga cariyo dalkiisa, kadib, markii looga shakiyey inay ku lug leeyihiin Falal Basaasnimo iyo Dhac loo geystay Kombiyuutarada Siyaasiyiin Maraykan aah muddadii ay socdeen Doorashadda Madaxtinimadda ee dalkaasi.

- Advertisement -

Diyaarad Khaas ayaa waxay Diplomaasiyiintaasi ka so oqaaday Garoonka Diyaaradaha Dulles International Airport ee Gobalka Virginia oo 26 miles dhanka Galbeedka kaga toosan magaalladda Washington.

Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Raashiya, Valadmiir Putin ayaa go’aansaday inuusan cayrinin Diplomaasiyinta Maraykanka ee joogta dalkiisa, isagoo xusay inuu ka baaraan-degayo Tallaabadda uu qaadi doono.

Madaxweynaha La-doortay ee dalka Maraykanka, Donald Trump oo la filayo inuu bishan 20-da la wareego Madaxtinimadda dalkaasi ayaa soo dhaweeyey go’aanka uu Putin dib uga dhigay in Diplomaasiyiin Maraykanka laga soo masaafuriyo Raashiya.

- Advertisement -

Wuxuuna Donald Trump soo dhigay Bartiisa Twitterka inuu weligiisa ogaa inuu Putin yahay nin aad u Maskax Furan

Great move on delay (by V. Putin) – I always knew he was very smart!

Si kastaba ha ahaatee, Trump ayaa  la filayaa inuu qaado tallaabooyin dheeraad ah oo ku aadan Xiriirka Maraykanka iyo Raashiya.

©Radio Dalsan

Latest stories