HomeWararRaashiya oo uga digtay Maraykanka Gantaalladda Lidka Diyaaradaha ee ay siiyaan Kooxaha...

Raashiya oo uga digtay Maraykanka Gantaalladda Lidka Diyaaradaha ee ay siiyaan Kooxaha hubeysan ee ka dagaalanta dalka Syria.

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

War-qoraal oo ka soo baxay Afhayeenadda Wasaaradda Arrimaha Dibedda Raashiya, Maria Vladimirovna Zakharova ayaa sheegtay inay Maraykanka siiyeen Kooxaha ka dagaalama dalka Syria Gantaalladda Lidka Diyaaradaha ee Garbaha laga rido, waxayna hoosta ka xariiqday inay Tallaabadaasi u muuqato kuwo si toos ah loogu cabsi gelinayo Askarta Raashiya ka joogta Syria iyo Safaaradda ay ku leeyihiin […]

- Advertisement -

War-qoraal oo ka soo baxay Afhayeenadda Wasaaradda Arrimaha Dibedda Raashiya, Maria Vladimirovna Zakharova ayaa sheegtay inay Maraykanka siiyeen Kooxaha ka dagaalama dalka Syria Gantaalladda Lidka Diyaaradaha ee Garbaha laga rido, waxayna hoosta ka xariiqday inay Tallaabadaasi u muuqato kuwo si toos ah loogu cabsi gelinayo Askarta Raashiya ka joogta Syria iyo Safaaradda ay ku leeyihiin caasimadda dalkaasi ee Dimishiq.

Waxay intaasi ku dartay inay Dowladda Raashiya u aragto Tallaabadda Maraykanka fal daandaansi Colaadeed.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Turkiga, Rajab Dayib Erdogan waxa uu isagana ku eedeeyey Isbahaysiga Maraykanka inay taageeraan Kooxda Daacish iyo kuwa kale ee Kurdiyiinta ee YPG iyo PYD.

Madaxweyne Erdogan waxa uu tilmaamay inay hayaan caddaymo muujinaya inay Isbahaysiga Maraykanka taageeraan Kooxaha ka dagaalama gudaha dalka Syria, balse Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka, Mark Toner waxa uu Eedeynta Erdogan ku tilmaamay mid aan asaas lahayn.

.©Radio Dalsan

- Advertisement -

 

Latest stories