HomeWararBandowgii saarnaa Mandera oo la kordhiyey iyo baaxadda Bandowgaasi oo la gaarsiiyey...

Bandowgii saarnaa Mandera oo la kordhiyey iyo baaxadda Bandowgaasi oo la gaarsiiyey Xuduudka Somalia.

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalkaasi, Joseph Nkasissery ayaa ku dhawaaqay in muddo 3 bilood oo kale lagu kordhiyey muddada Bandowga Habeenimo la saaray magaalladda Mandera ee W/bari ee dalkaasi. Waxa uu sheegay in Xilli-kordhinta Bandowgaasi maanta bilaabantay, isla markaana socon doonto ilaa bisha Maarso 28-keeda ee sannadka soo socda ee 2017-ka. Mar uu ka hadlayey […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalkaasi, Joseph Nkasissery ayaa ku dhawaaqay in muddo 3 bilood oo kale lagu kordhiyey muddada Bandowga Habeenimo la saaray magaalladda Mandera ee W/bari ee dalkaasi.

Waxa uu sheegay in Xilli-kordhinta Bandowgaasi maanta bilaabantay, isla markaana socon doonto ilaa bisha Maarso 28-keeda ee sannadka soo socda ee 2017-ka.

- Advertisement -

Mar uu ka hadlayey Deegaanadda uu Bandowgu saamayn doono, waxa uu xusay inay ka mid yihiin Mandera, Deegaanadda Cumar Jiilo, Carabiya, Fiino, Lafeey Kotula, Ceel-waaq iyo Deegaanadda ku hareeraysan.

Waxa kale oo uu tilmaamay in Bandowga la gaarsiinayo meel 20-KM u jirta Xuduudka Kenya la wadaagto Somalia.

Sidoo  kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalkaasi, Joseph Nkasissery waxa uu dadka Deegaanka ugu baaqay inay u hoggaansamaaan Amarka Bandowgaasi, isla markaana aan fasax la’aan la socon Karin 6:30 Fiidnimo ilaa 06:30 Subaxnimo.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Bandowgan saaran Mandera iyo Deegaanadda hoos taga waxaa markii ugu horreysay lagu soo rogay bishii October ee sannadkan, kadib, markii ay Dagaalamayaasha Alshabaab weerareen Hotelka Bishaaro oo ku yaalla Mandera, laguna dilay 12 qof oo aan Muslim ahayn.

Hoggaamiyayaasha W/bari ee Kenya waxay cambaareeyeen Weerarkaasi, kuna tilmaameen mid lagu naafeynayo Dhaqaalaha Gobalka ee awalba liicayey.

©Radio Dalsan

 

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts