HomeWararAskari Ugandese kuna eedeysan inuu rasaas ka xaday AMISOM oo ragganimadiisa ku...

Askari Ugandese kuna eedeysan inuu rasaas ka xaday AMISOM oo ragganimadiisa ku waayey Jirdil loo geystay.

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Cadadkii shalay ee Wargeyska Maalinlaha ee The Monitor kana soo baxa magaalladda Kampala ayaa  qoray in Askarigaasi oo lagu magacaabo Majibu Ssebyara hataan ku xiran yahay Xeradda Makindye ee duleedka magaalladda Kampala, isagoo la xanuunsan jir-dilkii loo geystay, isla markaana ay ka qulqulayaan Saxarada iyo Kaadi dhiig leh. Askarigaasi ayaa la sheegay in bishii June 12-dii […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Cadadkii shalay ee Wargeyska Maalinlaha ee The Monitor kana soo baxa magaalladda Kampala ayaa  qoray in Askarigaasi oo lagu magacaabo Majibu Ssebyara hataan ku xiran yahay Xeradda Makindye ee duleedka magaalladda Kampala, isagoo la xanuunsan jir-dilkii loo geystay, isla markaana ay ka qulqulayaan Saxarada iyo Kaadi dhiig leh.

Askarigaasi ayaa la sheegay in bishii June 12-dii ee sannadkii hore lagu xiray Saldhig ay  Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Taliska AMISOM ku leeyihiin Gobalka Sh/hoose, kadib, markii la waayey Sanduuq uu ku jiray Rasaasta Lidka Diyaaradaha ee cabirkoodu yahay 12.7 mm.

- Advertisement -

Saraakiisha Saldhiggaasi ayaa ogaa inay dhibaato la kulmi doonaan haddii ay ku fashilmaan in lagula xisaabtamo 85 xabadaha la la’ yahay iyo inay xaalladda ku xumaan doonto Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah AMISOM haddii ay rasaastaasi ugu dambeyn u gacan galaan Dagaalamayaasha Alshabaab.

Baarayaasha Milliteriga waxay farta ku fiiqeen inuu raadka rasaasta la la’ yahay soo galay Askariga Majibu Ssebyara oo isagu ahaa Gaaneri ka mid ahaa Askarta Uganda ee Somalia yimid sannadkii 2014-kii.

Wargeyska The Monitor waxa kale ee uu qoray in qof Deegaanka oo aan la carabaabin u sheegay Baarayaasha Ciiddanka Uganda in Askari la xiray uu isagu weydiistay lacag dhan Kun Dollar si uu ugu beedesho Rasaastaas, balse uusan xilligaasi haysanin Kharajka.

- Advertisement -

Saraakiisha Baarayaasha waxay sheegeen inay hayaan Caddaymo Muuqaalo Video ah, balse ma aysan u gudbin Maxkamadda.

Askarigaasi oo haatan xiran 2 sanno iyo bar ayaan weli xiran, isagoo Xabsiga kala kulmay Jirdil aad u xanuun badan.

Qoraal uu bishii August 8-dii ee sannadkan uu u qoray Maxkamadda Sare ee Uganda ayuu ku sheegay in la qaawiyey, la aflagaadeeyey, in laga soo lalmin jirey meel sare, laguna rari jirey jawaan laga buuxiyey 15-Kiilo oo Carro ah iyo in laga garaaci jirey qeybaha muhiimka u ah ragga.

Qoraalo dhinaca Caafimaadka oo ay soo kala saareen Dhakhaatiirta ka hawl-gasha Isbitaaladda Nakasero Hospital iyo Bombo Military Hospital ayaa lagu muujiyey in Askarigaasi laga jir-dilay Qeybta Ragganimadda

Dhinaca kale, Afhayeenka Milliteriga Uganda, Kolonel Paddy Ankunda oo la hadlay Wargeyska The Monitor ayaa sheegay inay Ciiddanku baari doonaan Eedeymaha Jir-dilka ee uu sheegtay Askarigaasi.

Xigash: Daily Monitor

©Radio Dalsan

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts