HomeWararXiriirka  Suxufiyiinta Qaaradda Afrika  ee FAJ oo si buuxda u aqoonsaday Hogaanka...

Xiriirka  Suxufiyiinta Qaaradda Afrika  ee FAJ oo si buuxda u aqoonsaday Hogaanka NUSOJ

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Guddiga Hoggaaminta ee Xiriirka Suxufiyiinta Qaaradda Afrika (Federation of African Journalists) oo ay Xaruntiisa Dhexe ku taallo magaalladda Abidjan ee dalka Ivory Coast ayaa hadalkaasi ku sheegay War-murtiyeed ka soo baxay gebagbebadda shirkoodii u dambeeyey oo socday muddo 3 maalmood. War-murtiyeedkaasi oo ka kooban 15 qoddob, ayaa waxaa Qoddobkiisa 10-aad lagu xusay in Shaqada laga […]

- Advertisement -

Guddiga Hoggaaminta ee Xiriirka Suxufiyiinta Qaaradda Afrika (Federation of African Journalists) oo ay Xaruntiisa Dhexe ku taallo magaalladda Abidjan ee dalka Ivory Coast ayaa hadalkaasi ku sheegay War-murtiyeed ka soo baxay gebagbebadda shirkoodii u dambeeyey oo socday muddo 3 maalmood.

War-murtiyeedkaasi oo ka kooban 15 qoddob, ayaa waxaa Qoddobkiisa 10-aad lagu xusay in Shaqada laga joojiyey Xoghayihii Guud ee hore ee NUSOJ, Omar Faruq Osman iyo Mas’uuliyiin horey madax uga ahaan jirey Ururadda Suxufiyiinta ee dalalka Uganda, Moroko, Gini Bisaw, Gini, Kongadda Dimuqraadiga iyo Koonfurta Sudan.

- Advertisement -

Qoddobka 11-aad ee War-murtiyeedka Xiriirka Suxufiyiinta Qaaradda Afrika ee FAJ waxaa lagu xusay in xubnahaasi shaqada laga joojiyey is-difaaci karaan, ka hor Kulanka Guddiga Axnshaxa ee Xiriirka FAJ.

Waxaana wixii hadda ka danbeeya meesha laga saaray Cumar Faaruuq Cismaan,isla markaana uusan is-difaaci Karin.

War-murtiyeedka ka soo baxay Xiriirka Suxufiyiinta Qaaradda Afrika ee FAJ waxaa Qoddobkiisa 12-aad lagu muujiyey inay aqoonsan yihiin Hoggaanka la doortay ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka ee NUSOJ ee uu Madaxda u yahay Maxamed Ibrahim Macallimu.

- Advertisement -

Dhinaca kale, War-murtiyeedka Madaxda Ururka Suxufiyiinta Qaaradda Afrika ee FAJ ay si kulul u cambaareeyeen faragalinta ay Madaxda Xiriirka Suxufiyiinta Caalamiga ee IFJ ku hayaan Ururradda Saxaafadda ee la soo doortay ee ka dhisan Qaaradda Afrika.

Qoddobadda 3-aad ilaa 6-aad ee War-murtiyeedkaasi ayaa loogu baaqay Guddoomiyaha Xiriirka Suxufiyiinta Caalamiga ee IFJ in la joojiyo Faragelinta ay ku hayaan Ururadda Suxufiyiinta Afrika ee la soo doortay iyo Shaqsiyaadka Daba-dhilifka ah ee ay IFJ taageerto.

©Radio Dalsan

 Halkan ka akhriso War-murtiyeedka ee Xiriirka Suxufiyiinta Qaaradda Afrika (Federation of African Journalists).

faj

Latest stories