HomeWarar(SAWIRO): Murashax Madaxweyne Saciid C/llaahi Deni: “Dalku waxa uu khatar ugu jiraa...

(SAWIRO): Murashax Madaxweyne Saciid C/llaahi Deni: “Dalku waxa uu khatar ugu jiraa Burbur Dowladeed”.

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Siyaasiga Saciid C/llaahi Maxamed “Deni” oo ka mid ah Murashixiiinta u taagan Loolanka Madaxtinimadda Somalia ayaa waxa uu maanta si rasmi ahaan ugu dhawaaqay inuu yahay Murashax Madaxweyne. Munaasabad ballaaran oo galabta lagu qabtay Hotelka Maka Al-mukarama ayaa waxa uu ku soo bandhigay Qorshihiisa Siyaasadeed iyo Ajendayaasha uu ku maamuli doono Qaranka, haddii uu ku guuleystay […]

- Advertisement -

Siyaasiga Saciid C/llaahi Maxamed “Deni” oo ka mid ah Murashixiiinta u taagan Loolanka Madaxtinimadda Somalia ayaa waxa uu maanta si rasmi ahaan ugu dhawaaqay inuu yahay Murashax Madaxweyne.

Munaasabad ballaaran oo galabta lagu qabtay Hotelka Maka Al-mukarama ayaa waxa uu ku soo bandhigay Qorshihiisa Siyaasadeed iyo Ajendayaasha uu ku maamuli doono Qaranka, haddii uu ku guuleystay Xilkaasi, wuxuuna tilmaamay haddii loo doorto xilka Madaxweynaha inuu si daacad leh wax ugu qaban doono Dadka iyo Dalka, kana shaqeyn doono Danaha iyo Aayaha Ummadda Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Waxa kale oo uu si kulul u naqdiyey War-murtiyeedkii ka soo baxay Hoggaamiyayaasha Madasha Qaranka, wuxuuna xusay in la jebiyey Qoddob Dastuuri ah.

“Madasha afduub bay ku dhaqaaqeen, waxayna go’aan iska gaareen iyadoo ay 3 Hoggaamiye ka maqnaayeen Shirkooda” ayuu yiri Murashax Saciid C/llaahi Maxamed “Deni”, wuxuuna intaasi ku daray in Xal laga gaari karo Qeybsiga, balse ay Madaxda Madasha burburiyeen Qoddob Dastuuri ah.

Mar uu ka hadlay Waxqabadka Madaxdii la soo doortay sannadkii 2012-kii, waxa uu tilmaamay inaysan Madaxdaasi noqonin sidii ay Shacabka malaynayeen.

- Advertisement -

Waxa uu carrabka ku dhuftay inay Madaxdaasi ku takri-faleen maaraynta Lacagaha dibeddaha laga helay, isla markaana la khiyaanay Shacabka oo aan waxba loogu qabanin, waa sida uu hadalka u yiri.

“Dalka waxa uu halis ugu jiraa Burbur Dowladnimo” ayuu yiri Murashax Saciid C/llaahi Deni oo isagu ah Siyaasi iyo Ganacsade caan ka ah Somalia.

Wax uu horey u soo noqday Wasiirka Qorsheynta ee DFS , waxa la rumeysan yahay inu heli karo tiro codadka Xildhibaanadda u badan Puntland, marka loo fiiriyo galaangalkiisa deegaanka iyo sumacad uu ku dhex leeyahay Puntland , waxu ka mid ahaa aasaasayaashi waxbarashada Putland kadib dagaaladi sokeeye .

Murashax Madaxweyne Saciid C/llaahi Maxamed “Deni” waxaa Dhaqaale ahaan la rumeysan yahay inuu isku filan yahay oo uu lacagtiisa u adeegsan karo Ololaha Doorashadda, si uu ugu guuleysto Xilka Madaxweynaha JFS.

dani-bulsho5

dani-bulsho1

dani-bulsho5

dani-bulsho2

dani-bulsho

dani-bulsho1

dani-bulsho

dani-bulsho3

dani-bulsho2

dani-bulsho3

dani-bulsho5dani-bulsho6

©Radio Dalsan

Latest stories