HomeWararDonald Trump-ka Somalia oo isku soo sharxay Madaxweynenimo.

Donald Trump-ka Somalia oo isku soo sharxay Madaxweynenimo.

Date:

Related stories

Duq magaalo oo Mexico ah oo “guursaday” yaxaas si loo raadiyo barwaaqo

Duqa magaalada San Pedro Huamelula ee Mexico ayaa ka qeybgalay xaflad dhaqameed uu “ku guursaday” yaxaas loo labisay sida aroosad, iyadoo dadka deegaanka ay rumeysan yihiin in munaasabaddan ay keento barwaaqo, roob iyo wax-soo-saar wanaagsan.

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Ganacsade C/llaahi Cali Axmed laguna naanayso “Caddow Cali Gees” ayaa maanta ku dhawaaqay inuu yahay Murashax Madaxweyne u taagan Xilka Madaxtinimo ee Somalia. Ganacsadaha oo maanta Muqdisho kaga dhawaaqay Murashaxnimadiisa waxa uu Jaal dhow iyo Ehel wada yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh. Waxaana la hadal-hayaa in Murashaxnimadiisa  horseedi karto inuu Madaxweyne Xasan lumiyo Miisaanka Siyaasadda ee Doorashadda […]

- Advertisement -

Ganacsade C/llaahi Cali Axmed laguna naanayso “Caddow Cali Gees” ayaa maanta ku dhawaaqay inuu yahay Murashax Madaxweyne u taagan Xilka Madaxtinimo ee Somalia.

Ganacsadaha oo maanta Muqdisho kaga dhawaaqay Murashaxnimadiisa waxa uu Jaal dhow iyo Ehel wada yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh.

- Advertisement -

Waxaana la hadal-hayaa in Murashaxnimadiisa  horseedi karto inuu Madaxweyne Xasan lumiyo Miisaanka Siyaasadda ee Doorashadda soo socota.

Murashaxa Madaxweyne ee C/llaahi Cali Axmed “Caddow Cali Gees” oo haysta Dhalashadda dalka Maraykanka waa milyaneer galangal badan leh, isla markaana saaxiibo badan ku dhex leh Aqalka Hoose ee Barlamaanka cusub.

Murashaxa Donald Trump-ka Somalia waxaa la sheegaa inuu leeyahay 5 Diyaaradaha Qaadka iyo kuwa Rakaabka iyo Maraakiib Xamuul, wuxuuna lacag badan ka abuurtay muddadii uu xilka ka hayey Dekedda Muqdisho, ka hor inta aan  Shirkadda Albeyrak ee Turkiga la wareegin Maamulka Hawlaha Dekedda Muqdisho.

- Advertisement -

Si kastaba ha ahaatee, Ganacsade Caddow Cali Gees (Donald Trump)-ka Somalia waxa uu hami ka qabaan inuu sidii Madaxweynaha La-doortay ee Maraykanka, Donald Trump oo kale ugu guuleysto Doorashadda Madaxtinimadda Somalia, isagoo doonaya inuu Xeellad Dhaqaale iyo afgobaadsi Xildhibaanimo kaga gudbo Loolanka Kursiga Madaxweynaha 10-aad ee JFS.

©Radio Dalsan

Latest stories