HomeWararDhowr qof oo Soomaali ah oo lagu dhaawacay Masjid ku yaalla dalka...

Dhowr qof oo Soomaali ah oo lagu dhaawacay Masjid ku yaalla dalka Switzerland.

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

  Boliska dalkaasi ayaa sheegay in 3-qof lagu dhaawacay Toogasho ka dhacday Xarun Islaami iyo Masjid ku yaalla meeel ku dhow Saldhigga Dhexe ee magaalladda Zurich ee Waqooyiga dalkaasi. Toogashadaasi ayaa la sheegay inuu geystay Nin soo galay Xaruntaasi, kaasi oo tacshiirad huwiyey dad ku cibaadaysanayey Masjidka. Hadal-qoraal oo ka soo baxay Boliska ayaa lagu […]

- Advertisement -

 

Boliska dalkaasi ayaa sheegay in 3-qof lagu dhaawacay Toogasho ka dhacday Xarun Islaami iyo Masjid ku yaalla meeel ku dhow Saldhigga Dhexe ee magaalladda Zurich ee Waqooyiga dalkaasi.

- Advertisement -

Toogashadaasi ayaa la sheegay inuu geystay Nin soo galay Xaruntaasi, kaasi oo tacshiirad huwiyey dad ku cibaadaysanayey Masjidka.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Boliska ayaa lagu sheegay in 3 qof oo da’dooddu kala tahay 30-jir, 35-jir iyo 56-jir lagu dhaawacay Masjidka, iyadoo ay qaar ka mid ah  liidato xaalladooda.

Eedeysanaha dilka geystay ayaa la sheegay inuu u baxsaday jihada Saldhigga Dhexe, waxayna Boliska bilaabeen Baaritaano.

- Advertisement -

Goobjoogayaal ayaa tilmaamay in ninka weerarka geystay da’diisa lagu qiyaasay ku-dhawaad 30-jir, isla markaana uu ku labisnaa dhar madow ah.

Dhinaca kale, Wakaalladda Wararka ATS News Agency ayaa sheegtay inay Tobaneeyo qof ku tukanayeen Salaadda Casirka, markii  uu weerarkaasi dhacay.

Inta badan dadka ku tukanayey Masjidka ayaa badankooda u kala dhashay dalalka Somalia, Eritrea iyo Waqooyiga Afrika.

©Radio Dalsan

 

Latest stories