HomeWararTaageerayaasha Musharax Madaxweyne Farmaajo oo u diyaar garoobayo inay ku soo dhaweeyaan...

Taageerayaasha Musharax Madaxweyne Farmaajo oo u diyaar garoobayo inay ku soo dhaweeyaan Muqdisho.

Date:

Related stories

Duq magaalo oo Mexico ah oo “guursaday” yaxaas si loo raadiyo barwaaqo

Duqa magaalada San Pedro Huamelula ee Mexico ayaa ka qeybgalay xaflad dhaqameed uu “ku guursaday” yaxaas loo labisay sida aroosad, iyadoo dadka deegaanka ay rumeysan yihiin in munaasabaddan ay keento barwaaqo, roob iyo wax-soo-saar wanaagsan.

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Taageerayaasha Musharaxaasi waxay maanta magaalladda Muqdisho.ka bilaabeen dhaqdhaqaaqyo loogu diyaar-garoobayo munaasabadda lagu soo dhaweyn doono. Gawaari fara badan oo Samaacado waa weyn lagurakibay ayaana lagu arkayey Waddooyinka muhiimka ee Muqdisho, waxaana dadka loogu baaqayey inay si wadajir ah uga soo qeyb galaan Soo-dhaweynta Musharax Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ah Siyaasi magac iyo maamuus ku […]

- Advertisement -

Taageerayaasha Musharaxaasi waxay maanta magaalladda Muqdisho.ka bilaabeen dhaqdhaqaaqyo loogu diyaar-garoobayo munaasabadda lagu soo dhaweyn doono.

Gawaari fara badan oo Samaacado waa weyn lagurakibay ayaana lagu arkayey Waddooyinka muhiimka ee Muqdisho, waxaana dadka loogu baaqayey inay si wadajir ah uga soo qeyb galaan Soo-dhaweynta Musharax Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ah Siyaasi magac iyo maamuus ku dhex leh Ummadda Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Guddiga Ololaha Doorashadda Musharaxaasi ayaa sheegay inuu Farmaajo maalinta Talaadada ku soo beegan yahay magaalladda Muqdisho, si uu ugu diyaar-garoobo Doorashadda Madaxtinimadda oo la shaaciyey inay dhici doonto bishan December 28-da.

Taageerayaasha Musharax Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa inay dhigaan Dibadbaxyo ay ku soo dhaweynayaan, mana kala cadda inay Ciiddanka Ammaanka oggolaan doonaan Isku-soo-baxaasi lagu soo dhaweynayo Farmaajo.

Maamulka Gobalka Banaadir ayaa horey u mamnuucay Dibadbaxyadda lagu soo dhaweynayo Musharixiinta Madaxtinimadda sababo dhinaca Ammaanka, iyagoo sheegay inay go’aankaasi u qaateen si uusan Ammaanka faraha uga bixin.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Musharax Maxamed C/llaahi Farmaajo oo haysta Dhalashadda dalka Maraykanka, waxa uu mar soo noqday Ra’isul-wasaarihii Dowladdii KMG ee Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Waxa Xilkaasi loo magacaabay bishii October 31-dii ee sanadkii 2010-kii, wuxuuna iska casilay  bishii June 19-dii ee sannadkii 2011-kii.

Muddadii uu xilkaasi hayey waxa uu kasbaday Taageeradda Dadweynaha, gaar ahaan Ciiddamadda, oo iyagu qirsan inuu Maxamed C/llaahi Farmaajo ahaa Mas’uul galaangal badan u galay Xuquuqda Ciiddamadda.

Si kastaba ha haatee, waa markii Labaad ee Siyaasiga Maxamed C/llahi Farmaajo isku soo taago Xilka Madaxtinimadda dalka Somalia, wuxuuna horey isugu soo taagay Doorashaddii Madaxtinimadda ee dhacday sannadkii 2012-kii.

©Radio Dalsan

Latest stories