HomeWarar(FAALLO): Barlamaanka Cusub oo noqon doona Gole ay ku mideysan yihiin Mudanayaal...

(FAALLO): Barlamaanka Cusub oo noqon doona Gole ay ku mideysan yihiin Mudanayaal kala Aragti Fog

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Saadaasha Xildhibaanadda ka mid noqon doona Barlamaanka 10-aad ee Somalia ayaa u muuqda kuwo ka muuqaal duwanaan doonaa Barlamaanadii horey loogu soo waayo qaatay, waxaana markii ugu horreysay xubnhaasi laga soo xulay Doorashadii ka dhacday Maamul-gobaleedyadda. Xubnaha Barlamaanka soo socda ayaa isugu jira Siyaasiyiin hore iyo kuwo ku cusub Masraxa Siyaasadda Somalia, waxayna ku kala […]

- Advertisement -

Saadaasha Xildhibaanadda ka mid noqon doona Barlamaanka 10-aad ee Somalia ayaa u muuqda kuwo ka muuqaal duwanaan doonaa Barlamaanadii horey loogu soo waayo qaatay, waxaana markii ugu horreysay xubnhaasi laga soo xulay Doorashadii ka dhacday Maamul-gobaleedyadda.

Xubnaha Barlamaanka soo socda ayaa isugu jira Siyaasiyiin hore iyo kuwo ku cusub Masraxa Siyaasadda Somalia, waxayna ku kala duwan yihiin marka la eego Khibradooda iyo Taariikhdooda hore.

- Advertisement -

Labada Aqal ee Barlamaanka Cusub waxa ku soo baxay Xildhibaano isugu jira Ganacsato, Dagaal-oogayaal hore, Dhaqdhaqaaq-yahano, Qaxooti iyo kuwo mehrado shaqo oo kala duwan lahaa.

Xildhibaanadda cusub ayaa kala duwan qaabkii lagu soo doortay, balse, waxay ka wada siman yahay inay Toobiye adag ka soo tallaabsadeen, si ay ugu soo baxaan Doorashadii lagu soo xulay Xildhibaanadda Labada Aqal ee Barlamaanka.

Waana hubaal in Kharajka haba kala badnaadee lagu soo furdaamiyey sidii ay Xildhibaanadda ugu soo bixi lahaayeen Doorashadda.

- Advertisement -

Mana sahalna in qof jeebkiisa ka sooro 51-ka Ergo Beeleed ee u codeynaysay, mana la tahli karo Kharajyada kale ee lagu furdaamiyo Loolankaasi min Musharax ilaa Xildhibaan.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in inta badan Xildhibaanadda ku soo biiray Aqalka Hoose ee Barlamaanka inay ku tiirsanaayeen Taageero ay ka helaan Kooxaha Siyaasadda iyo Musharixiinta lacagaystay ee ku haminaya inay ku tartamaan Xilka Madaxtinimadda.

Maalgashiga Musharixiinta ee Xildhibaanadda soo baxay ayaana noqday Mashruuc rimay-gacmeed ah, oo aad u dhiiri-geliyey musuqa, Sicir-bararka  Kala-iibsashadda Codadka,Ergooyinka macmalka ee la kireysto iyo Xodxodashadda ujeedo badanka leh.

Musharax kasta ee xilka Madaxtinimadda waxa uu  qiimeyn koraad ku sameeyaa  Xildhibaanadda uu ku maal-gashaday Dhaqaale, Aragti, Wada-dhalasho iyo xeellad kasta oo lagu awr kacsan karo, si aysan uga abaal-dhicin Maalgelintiisa ay Xildhibaano ku noqdeen.

Diplomaasiyiinta ayaa rumeysan inaysan Siyaasaddu lahayn Saaxiib Joogto ah, balse, Musharixiinta ayaa rumeysan inay Siyaasaddu leedahay Isbahaysi Beeleed iyo mid Maamul-gobaleed.

Waa Tab Siyaasadeed uu Musharax kasta kaga gudbi karo Imtixaan-siyaasadeedka Doorashadda, siiba cod-bixinta Xildhibaanadda, wuxuuna Musharax kasta ka dheregsan yahay Sirta Cod-bixinta Farsamaysan.

Waana hiddo-siyaasadeed sannooyin badan  lagu soo nolol-qaatay, mana aha Itijaah cusub  inay Musharixiinta xilka Madaxtinimo ku xisaabtamaan Xodxodashadda Xildhibaanadda miisaanka ku leh Yabooha Cod-bixinta.

Guuxa Madasha Xildhibaanadda wax doranaya ayaana asaas u noqon karta  hadba sida Dulaaliinta u kala iibiyaan Cod-bixinta Lacagaysan (Vote for Cash).

Beer-laxawsiga siyaasadeedka Musharixiinta ee lagu kala jiidanayo Codadka Xildhibaanadda ayaana ku salaysan Kharaj Gacan-saar (Cash) iyo Ballanqaadyo muddeysan iyo Xilalka Dufanaysan, min Wasaaradaha shidan, Hay’adaha iyo Xarumaha Ilaha Dhaqaale ilaa Mansab Diplomaasinimo.


Marka la eego Xildhibaanadda Barlamaanka Cusub (Aqalka Hoose) waxaa la qiri karaa inay xubnahaasi ku kala aragti duwan yihiin Heerka Aqooneed, Mehnadda Xirfadeed, Tisqaadka Siyaasadda iyo Biseylka Danaha Qaranka iyo Khatarta ku soo fool leh Ummadda, waxaana mar doc kasta laga jaleeco Barlamaanka cusub ku yar Xildhibaanadii hal-doorka ku ahaa Dhab-ka-hadalka, oo ay ka mid yihiin Dr. C/raxmaan Xoosh iyo Cabdi Barre Yuusuf Jibriil, kuwaasi oo lagu soo reebay Doorashadii Puntland.

Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre ayaa ku soo laabtay Barlamaanka, balse ma yeelan doono fursado uu wax badan ku naqdin karo, illayn Xildhibaanadda la maalgeliyey ayaa kaga cod badnaan doona Barlamaanka.

Mana cadda Galaangalka ay Xildhibaanadda cusub ku yeelan doonaan Mooshinada La-xisaabtanka Golayaasha Dowladda

©Radio Dalsan

Latest stories