HomeWararDoorashada xubnaha Beelaha Waqooyi ee Aqalka Hoose oo la hakiyey.

Doorashada xubnaha Beelaha Waqooyi ee Aqalka Hoose oo la hakiyey.

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Guddiga Doorashadda Dadban ee Heerka Federalka ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhigay Doorashadaasi, si lo oxaliyo Khilaafka ka jira Doorashadda. Qoraal kooban oo la soo dhigay Barta Twitter-ka ee Guddigaasi ayaa lagu muujiyey in dib loo dhigay doorashadda xubnaha Beelaha Waqooyi ee Aqalka Hoose ee Barlamaanka soo socda. Go’aankaasi ayaa ku soo beeegmay, iyadoo […]

- Advertisement -

Guddiga Doorashadda Dadban ee Heerka Federalka ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhigay Doorashadaasi, si lo oxaliyo Khilaafka ka jira Doorashadda.

Qoraal kooban oo la soo dhigay Barta Twitter-ka ee Guddigaasi ayaa lagu muujiyey in dib loo dhigay doorashadda xubnaha Beelaha Waqooyi ee Aqalka Hoose ee Barlamaanka soo socda.

- Advertisement -

Go’aankaasi ayaa ku soo beeegmay, iyadoo horey loo doortay 19 Kursi oo ka mid ah 46-ka Kursi ee ay Beelaha Waqooyi ku leeyihiin Aqalka Hoose ee Barlamaanka.

Buuq ayaa waxa uu maalmihii la soo dhaafay ka jiray Xulista Ergooyinka Doorashadda ee Beelaha Waqooyi iyo Maamulka Puntland oo doonaya in saami laga siiyo xubnaha Beelaha Waqooyi ee Aqalka Hoose.

Puntland ayaa diidan labada xubnood ee Goballadda Sool iyo Sanaag ka soo galayo ee saami-qeybsiga Beelaha Waqooyi

- Advertisement -

Sidoo kale, Ra’isul-wasaare Cumar C/rashiid oo ka soo jeeda mid ka mid ah Beelaha deggan Waqooyiga Somalia ayaa ku doodayo in Beeshiisa saami laga siiyo xubnaha Beelaha Waqooyi, iyadoo ay Beeshiisa horey saamigooda uga heleen xubnaha Maamulka Puntland ee Aqalka Hoose ee Barlamaanka soo socda.

©Radio Dalsan

 

Latest stories