HomeWararDowladda Kenya oo Ganacsatadda Soomaalida Islii ka doonaysa inay ku taageeraan...

Dowladda Kenya oo Ganacsatadda Soomaalida Islii ka doonaysa inay ku taageeraan Doorashada dalkaasi ka dhici doonta sannadka soo socda

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Mudanaha Aqlabiyadda ku dhex leh Barlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale ayaa u ololeynayo sidii uu Ganacsatadda Soomaalida ee Xaafadda Islii uga iibin lahaa Ajendada Isbahaysiga Dowladda Kenya ee Jubilee, si ay taageero uga geystaan Doorashadda Madaxtinimadda ee Kenya ka dhici doono 8 bilood kadib. Aadan Barre Ducaale ayaa la filayaa inuu Qorshahaasi ku soo bandhigo […]

- Advertisement -

Mudanaha Aqlabiyadda ku dhex leh Barlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale ayaa u ololeynayo sidii uu Ganacsatadda Soomaalida ee Xaafadda Islii uga iibin lahaa Ajendada Isbahaysiga Dowladda Kenya ee Jubilee, si ay taageero uga geystaan Doorashadda Madaxtinimadda ee Kenya ka dhici doono 8 bilood kadib.

Aadan Barre Ducaale ayaa la filayaa inuu Qorshahaasi ku soo bandhigo Shirweynaha Labaad ee Ganacsatadda Suuqa islii oo la filayo inuu berrito ka furmo islii.

- Advertisement -

Siyaasigaasi oo ka soo jeeda Soomaalida deggan W/bari Kenya ayaa la filayaa inuu ka mid nqodo Shir-guddoonka, si uu Ganacsatadda ugu qanciyo inay taageeraan Isbahaysiga Jubilee si loogu guuleysto Doorashadda Madaxtinimadda ee soo socota.

Ilo ku dhow Mudanahaasi ayaa u sheegay Wargeyska The Star inuu wada-hadal kula jiro Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya, William Ruto iyo xubnaha kale ee Xisbiga si ay uga soo qeyb galaan Shirka Ganacsatadda Soomaalida ee Suuqa Islii.

Dhinaca kale, ugu yaraan 300 Ergo Ganacsato ah ayaa la filayaa inay ka soo qeyb galaan Shirkooda Sannadlaha, oo la filayo inay uga wada xaajoodaan qaababka loo xoojin karo Maalgashiga, Jawiga Ganacsiga iyo in la soo bandhigo inuu Suuqa Islii yahay Ganacsi sii kordhaya iyo Maalgelinta Ganacsiga Kenya iyo dalalka kale ee Bariga Afrika.

Latest stories