HomeWararAmbassador Michael Keating oo sheegay inay Madaxda Madasha qeyb ka qaateen suurto-galnimada...

Ambassador Michael Keating oo sheegay inay Madaxda Madasha qeyb ka qaateen suurto-galnimada Doorashadda Somalia.

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Ambassador Michael Keating ayaa soo dhaweeyey Horumarka laga gaaray Geeddi-socodka Nidaamka Doorashadda. Hadal qoraal oo uu soo saaray waxa uu ku bogaadiyey Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaranka  “The National Leadership Foum  (NLF) dadaalka ay u galeen in la amabaaqo Hiigsiga Doorashadda ee sannadka 2016-ka […]

- Advertisement -

Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Ambassador Michael Keating ayaa soo dhaweeyey Horumarka laga gaaray Geeddi-socodka Nidaamka Doorashadda.

Hadal qoraal oo uu soo saaray waxa uu ku bogaadiyey Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaranka  “The National Leadership Foum  (NLF) dadaalka ay u galeen in la amabaaqo Hiigsiga Doorashadda ee sannadka 2016-ka iyo doorka ay ka qaateen in Doorashadda suurtogal laga dhigo.

- Advertisement -

Ambassador Michael Keating waxa u usoo dhaweeyey Shirka Madaxda Wada-tashiga Qaranka ee la filayo in berrito (December 7-da) uga furmayo magaalladda Muqdisho, si looga wada arrinsado Qoddobadda muhiimka u ah si loo dhamaystiro Hawlaha ka harsan Doorashooyinka.

Waxa kale oo uu ka mahad celiyey in Saaxiibadda Somalia ee Beesha Caalamka lagu casuumo ka soo qeyb galaan Wejigha Hore ee Shirka Madaxda Madasha Qaranka.

Ambassador Michael Keating  waxa uu tilmaamay inuu Kulanka Madasha ku soo aaday, xilli la hayo Kooramka Labada Aqal ee Barlamaanka cusub iyo Xilliga Kala-guurka ee Madaxweynaha 9-aad uu xilka ku wareejin doono Madaxweynaha 10-aad  iyo Doorashadda Madaxweynaha cusub ee Dowladda Federalka Somalia.

- Advertisement -

Waxa kale oo uu sheegay in Madaxda Madashada looga fadhiyo iyagoo kaashanayo Guddiga Madaxa Bannaaan ee Xalinta Khilaafyadda Doorashadda in la xaliyo muranada taagan

Dhinaca kale, waxa kale oo uu Qoraalkiisa ku muujiyey in lagula xisaabtami doono dhamaan Soomaalida iyo Beesha Caalamka sidii hubaal looga dhigi lahaa in lagu guuleysto  in Xilliga Kala Guurka Siyaasadda Somalia lagu dhamaystiro sannadkan 2016-ka.

Ambassador Michael Keating  waxa uu ka digay haddii lagu fashilmo taabeglintaasi sannadkan inay  noqon karto cawaaqib-xumo ku soo fool leh Somalia iyo Sumcadda Nidaamka Doorashadda.

©Radio Dalsan

Latest stories