HomeWararDaacish oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkii uu Muwaadin Somali-Maraykan ka geystay Jamaacadda Ohio.

Daacish oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkii uu Muwaadin Somali-Maraykan ka geystay Jamaacadda Ohio.

Date:

Related stories

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray kumannaan askari Xananbuure

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tababar u soo xiray kumannaan askari oo hal sano ku qaatay Xananbuure, kuwaas oo ah ciidamadii ugu badnaa ee tababar ku qaata gudaha dalka tan iyo burburkii 1991-kii.

Jeexjeexyada Maqaarka: Yaa Ku Dhaca, Ma La Daaweyn Karaa?

Jeexjeexyada maqaarka waa xarriiqo caadi ah oo ka dhalan kara miisaan isbeddel uur, koritaanka jirka ama arrimo hidde-side ah Laakiin maxa sababa, yaase ugu badan mase dhab ahaan waa la daaweyn karaa?

Wakaalladda Wararka u faafisa Kooxda Daacish ee AMAQ (the Amaq News Agency) ayaa sheegtay in Askari ka tirsan Daacish uu gaari iyo mindi ku weeraray dad ku sugnaa Kambaska Jamaacadda Ohio State University ee magaalladda Columbus, kuna dhaawacay 11-qof. “Ninka ka mas’uulka ah weerarkaasi waxa uu ahaa Askari ka tirsan Kooxda Daacish, wuxuuna Hawlgalkaasi u […]

- Advertisement -

Wakaalladda Wararka u faafisa Kooxda Daacish ee AMAQ (the Amaq News Agency) ayaa sheegtay in Askari ka tirsan Daacish uu gaari iyo mindi ku weeraray dad ku sugnaa Kambaska Jamaacadda Ohio State University ee magaalladda Columbus, kuna dhaawacay 11-qof.

“Ninka ka mas’uulka ah weerarkaasi waxa uu ahaa Askari ka tirsan Kooxda Daacish, wuxuuna Hawlgalkaasi u fuliyey si uu uga jawaabo codsigii Daacish ee ahaa in la beegsado Muwaadiniinta Dalalka Isbahaysiga Caalamiga” ayaa lagu yiri hadalka ay baahisay Wakaalladda the Amaq News Agency.

- Advertisement -

cartanArdayga Somali-Maraykanka ee weerarkaasi geystay waxaa la oran jirey C/risaaq Cali Cartan, waxaana la toogtay daqiiqado kadib, markii uu fuliyey weerarkaasi, oo uu u adeegsaday gaarigiisa iyo Toorey.

C/risaaq Cali Cartan oo 18-jir ah ayaa la sheegay Wareysi uu horey u bixiyey inuu ku eedeeyey Warbaahinta inay sawir qaldan ka bixiyaan Muuqaalka Muslimiinta, wuxuuna tilmaamay inay Warbaahinta kasbatay inay dadka maskaxdooda geliyaan qaladaadkaasi.

Dhinaca kale, Maamulayaasha Maraykanka waxay ka saareen Qoraal uu C/risaaq Cali Cartan soo dhigay Bartiisa Facebook, oo uu ugu baaqay Maraykanka inay joojiyaan Faragelinta ay ku hayaan Dalalka kale, gaar ahaan Ummadda Muslimiinta.

- Advertisement -

Telefishinka ABC News ayaa soo xigtay Qoraalkaasi oo uu qornaa sidatan:- “Ma sii qaadan karo wax sii badan. America jooji Faragelinta dalalka kale, gaar ahaan Ummadda Muslimiinta. Annaga ma tabar darni, xusuunaada taasi. Ilaah idinkiisaa, Idiin ma oggolaan doono inaad hurudaan ilaa aad nabad ka siinaysaan Muslimiinta”.

Dhinaca kale, Hoggaamiyayaasha Muslimiinta Maraykanka iyo Ururradda kale waxay si xooggan u cambaareeyeen Weerarkaasi, waxayna sheegeen inay ka xun yihiin falkaasi.

ohio

©Radio Dalsan

Latest stories