HomeWararFaahfaahin: Mukhalasiin u badan Soomaali oo lagu xiray Hawlgalo ka dhacay Jarmalka...

Faahfaahin: Mukhalasiin u badan Soomaali oo lagu xiray Hawlgalo ka dhacay Jarmalka iyo Talyaaniga.

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Boliska Jarmalka iyo kuwa ku sugan Koonfurta Talyaaniga waxay Xabsiga dhigeen 13 Mukhalas oo badankooda ah Soomaali, kuwaasi oo lagu eedeynayo inay Tahriibayaasha dhinaca Badda ka soo gala Talyaaniga ay u sii gudbin jireen dalalka kale ee Europe. Hadal-qoraal oo ka soo baxay Hay’adda Iskaashiga Garsoorka Europe ee EUROJUST ayaa sheegtay inay Baaritaanka bilaabeen sannadkii […]

- Advertisement -

Boliska Jarmalka iyo kuwa ku sugan Koonfurta Talyaaniga waxay Xabsiga dhigeen 13 Mukhalas oo badankooda ah Soomaali, kuwaasi oo lagu eedeynayo inay Tahriibayaasha dhinaca Badda ka soo gala Talyaaniga ay u sii gudbin jireen dalalka kale ee Europe.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Hay’adda Iskaashiga Garsoorka Europe ee EUROJUST ayaa sheegtay inay Baaritaanka bilaabeen sannadkii hore, kadib, markii 545 Tahriibayaal Somali ah laga soo badbaadiyey Badda la dejiyey magaalladda Salerno ee Talyaaniga.

- Advertisement -

 EUROJUST waxay sheegtay inay dabagal ku sameeyeen Telefoonadda Mukhalasiin fadhigooda dhexe yahay Europe, kuwaasi oo Tahriibayaasha u fududeyn jirey inay Talyaaniga uga sii gudbaan dalalka kale ee ku yaalla Waqooyiga Qaaradda Europe.

Hawlgalka lagu soo qabtay 13-ka  Mukhalas ee badankooda Somalia waxaa ku jira Nin ay Boliska Talyaaniga ku sheegeen inuu ahaa Hoggaamiyaha Kooxdaasi oo asal ahaan Somali ah, balse haysta Dhalashadda dalka Jarmalka.

Dhinaca kale, Qaar ka mid ah Tahriibayaasha  ayaa loo fududeeyey Nambaradda Telefoono si taageero looga siiyo  inay u sii socdaalaan dalalka Waqooyiga Europe, oo ay ku jiraan Jarmalka, Austria, Denmark, Sweden, Belgium, Holland iyo Norway.

- Advertisement -

©Radio Dalsan

 

Latest stories