HomeWararBoqolaal Qaxooti Soomaali ah oo ku sugan Xeradda Kenya oo ka baaqsaday...

Boqolaal Qaxooti Soomaali ah oo ku sugan Xeradda Kenya oo ka baaqsaday inay ka qeyb galaan Imtixaanaadka Dugsiyadda.

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Ku-dhawaad 289 Arday Qaxooti ah ayaa ku guul-daraystay inay sannadkan u fariistaan Imtixaanaadka Dugsiyadda Hoose iyo kuwa Sare ee ku yaalla Xeryaha dhadhaab. Sarkaalka Guud ee waxbarashadda Dhadhaab, Cali Butxul ayaa u sheegay Wargeyska The star inay Ardaydaasi ka gaabsadeen inay u fariistaan Imtixaanaadka, maadaama ay ka mooraal jabsan yihiin Dib-u-celinta Qaxootiga iskooda u go’aansaday […]

- Advertisement -

Ku-dhawaad 289 Arday Qaxooti ah ayaa ku guul-daraystay inay sannadkan u fariistaan Imtixaanaadka Dugsiyadda Hoose iyo kuwa Sare ee ku yaalla Xeryaha dhadhaab.

Sarkaalka Guud ee waxbarashadda Dhadhaab, Cali Butxul ayaa u sheegay Wargeyska The star inay Ardaydaasi ka gaabsadeen inay u fariistaan Imtixaanaadka, maadaama ay ka mooraal jabsan yihiin Dib-u-celinta Qaxootiga iskooda u go’aansaday inay ku laabtaan dalkooda hooyo.

- Advertisement -

“Ma hayaan wax niyad ah, waayo waxay og yihiin marka ay dhameeaan Imtixaanka inay dib ugu laabanayaan Somalia, iyadoo Xerada Dhadhaab la xirayo 6-bilood ee soo socota” ayuu yiri Sarkaalkaasi.

Waxa kale oo uu sheegay in 34 Arday dadka waa weyn ah ka gaabsadeen inay u fariistaan Imtixaanaadka sannadkan ka dhacayo Xeryaha Xagar-dheer iyo Dhagaxley

Dhinaca kale, Hay’adda Badbaadinta Carruurta ee Save The Children ayaa sheegtay inay Qaxootiga Soomaalida ka niyad jabeen go’aankii ay Dowladda Kenya ku sheegtay in la xirayo Xeradda Dhadhaab.

- Advertisement -

Hay’adda waxay kaloo sheegtay inay Ardayda lumiyeen Rajada, iyadoo ay Waalidiintooda u sheegayaan in lagu laabanayo Somalia, isla markaana ay taasi waxyeeleynayso Waxbarashadooda.

©Radio Dalsan

 

Latest stories