HomeWararMadaxweynaha “Macallimiintu waxey aasaas adag u dhigeen mustaqbalka dadka soo koraya”

Madaxweynaha “Macallimiintu waxey aasaas adag u dhigeen mustaqbalka dadka soo koraya”

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa ugu hambalyeey macalimiiinta Soomaaliyeed munaasabadda maalinta macalinka Soomaaliyeed oo ku beegnyd shalay o oay bishu ahayd  21 November . Madaxweynaha ayaa ku boggaadiyey macallimiinta Soomaaliyeed doorka ay ka qaataan horumarka dalka iyo qaabeynta nolosha carruurta Soomaaliyeed. Sidoo kale Madaweynaha ayaa sheegay in macalimiinta Soomaaliyeed dalkaan ka […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa ugu hambalyeey macalimiiinta Soomaaliyeed munaasabadda maalinta macalinka Soomaaliyeed oo ku beegnyd shalay o oay bishu ahayd  21 November .

Madaxweynaha ayaa ku boggaadiyey macallimiinta Soomaaliyeed doorka ay ka qaataan horumarka dalka iyo qaabeynta nolosha carruurta Soomaaliyeed. Sidoo kale Madaweynaha ayaa sheegay in macalimiinta Soomaaliyeed dalkaan ka soo gudbiyeen qatar loogu jiray in dalka laga waayo goobo waxbarasho iyda oo lagu jiro xiliyo adag oo uusan dalkaan lahayn nidaam dowladnimo .

- Advertisement -

Madaxweynahu waxuu yiri “ Macallimiintu waxey aasaas adag u dhigeen mustaqbalka dadka soo koraya oo helay waxbarasho tayeysan, oo ay ka hortageen fikirka xagjirka ah, isla markaana ay diyaar u yihiin inay bulshada ku hoggaamiyaan nolol wanaagsan.”

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha ayaa ammaanay doorka geesinimada ah ee macalimiinta Soomaaliyeed oo ay uga qeyb qaadanayaan in carruurta Soomaaliyeed in laga wacyigeliyo fikirka xagjirnimada ah iyo ku abaabinta carruurta tubta toosan ee dowladnimada iyo wadan jaceylka.

Latest stories