HomeWararKoox Caalami oo gacan ka geysanaysa Xabbad-joojinta Gaalkacyo oo gaaray magaalladaasi.

Koox Caalami oo gacan ka geysanaysa Xabbad-joojinta Gaalkacyo oo gaaray magaalladaasi.

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Hadal qoraal oo ka soo baxay Xafiiska QM ee Hawlaha Somalia (UNSOM) ayaa lagu sheegay in Koox Caalami oo Xabbad-joojin oo ay IGAD hoggaaminayso gaareen magaalladda Gaalkacayo, iyadoo ay QM gacan ka geysatay sidii Kooxdaasi loogu daad-gureyn lahaa Gaalkacyo.

Kooxda Caalamiga ee Xabbad-joojinta ayaa la sheegay inuu doorkooda noqon doono sidii ay ula shaqeyn lahaayeen 18-ka xubnood ee Guddiga wadajirka ee Galmudug iyo Puntland ee loo xil-saaray xal-u-helista Dagaalka Gaalkacyo.

Kooxdaasi waxay kaloo Guddiga Wadajirka siin doonaan La-talin iyo taageerida wax-ku-oolka ee Hirgelinta Xabbad-joojinta iyo Dhisida Kalsoonida Labada Maamul ee Galmudug iyo Puntland ugu dambeyntii abuuri karta Nidaamka Nabadda iyo Dib-u-heshiisiinta.

michael-keatingErgayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Michael Keating ayaa sheegay Kooxda Xabbad-joojinta ee loo daad-gureeyey Gaalkacyo inay astaan muhiim u tahay sida ay Beesha Caalamka go’aan uga qaadatay xalinta colaadaasi.

Waxa uu intaasi ku daray inay Kooxdaasi kala talin doonaan Labada dhinac Xabbad-joojinta iyo Kormeerka iyo in la dhiso Kalsoonida Guddiga Wadajirka si loo adkeeyo Heshiiska Xabbad-joojinta Galkacyo.

Dhinaca kale, Hadalka qoraalka oo ka soo baxay Xafiiska QM ee Hawlaha Somalia (UNSOM) (UNSOM) ayaa lagu soo dhaweeyey Heshiiskii ay Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland ka gaareen Dagaalkii Gaalkacyo ee uu Ra’isul-wasaaraha Somalia ka soo shaqeeyey.

Heshiiska ay Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland wada saxiixeen ayaa dhigayo in xilliga loo kordhiyo Xababd-joojinta ka jirta Gaalkacyo iyo in la sameeyo Aag dhuleed 2 KM oo u dhexeeya goobaha ay Ciiddanka kala joogaan.

©Radio Dalsan

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories