HomeWarar(LA-YAABKA): Duulimaadka Diyaaradaha Caalamiga ee ugu waqtiga gaaban.

(LA-YAABKA): Duulimaadka Diyaaradaha Caalamiga ee ugu waqtiga gaaban.

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Diyaarad Austrian Airline ayaa maalintii Arbacadda ee la soo dhaafay waxay samaysay Duulimaadkii ugu waqtiga gaabnaa ee Caalamka, kaasi oo qaatay muddo 8 daqiiqo oo keliya. Kooxda Shirkadaha Diyaaradaha ee The Austrian People’s Air Group ayaa bilowday Duulimaad Cusub oo isaga kala gooshi doona Xuduudka dalalka Switzerland iyo Germany. Diyaaradda waxay u kala duulaysaa magaallada […]

- Advertisement -

Diyaarad Austrian Airline ayaa maalintii Arbacadda ee la soo dhaafay waxay samaysay Duulimaadkii ugu waqtiga gaabnaa ee Caalamka, kaasi oo qaatay muddo 8 daqiiqo oo keliya.

Kooxda Shirkadaha Diyaaradaha ee The Austrian People’s Air Group ayaa bilowday Duulimaad Cusub oo isaga kala gooshi doona Xuduudka dalalka Switzerland iyo Germany.

- Advertisement -

Diyaaradda waxay u kala duulaysaa magaallada St. Gallen-Altenrhein ee dalka Switzerland ilaa magaalladda Friedrichshafen ee dalka Germany.

Waa Duulimaad lagu safrayo 20 KM oo keliya, taasi oo qaadanayso 8 daqiiqad oo keliya.

Diyaaradda waxay maalin kasta samaynaysaa 2 Duulimaad, iyadoo Tikidhka Hal socod (A one-way Ticket) ee u dhexeeya Labada Joogsi waxa uu qiimihiisu dhan yahay 40 Euro (€40).

- Advertisement -

Haddii kale, Socotada waxay gaari ku tegi karaan masaafo dhan 63 KM oo ah inta u dhexeysa Labada Garoon, iyadoo uu safarkaasi qaadan karo hal saac.

Sidoo kale, waxaa la raaci karaa Tareenka oo muddo 2 saac u kala gooshayo Labada magaallo ee ku yaalla Xuduudka Switzerland iyo Germany.

Mar sii horreysay, Duulimaadka Caalamiga ee ugu gaaban waxa uu ahaa safar qaadan jirey 10-daqiiqo.

Shirkada Diyaaradaha Australia ee ugu qiimaha jaban ee FlyNiki ayaana saamaysay Duulimaad la isaga  kala gooshayey Caasimadda dalka Austria ee Vienna iyo Caasimadda dalka Slovakia ee Bratislava.

Waxaa markii hore isticmaali jirey Socotadda uu Isku-xirka Duullimaadyadoda ka imaanayo magaalladda Vienna.

©Radio Dalsan

Latest stories