HomeWararMadaxweynaha Xasan Sheekh oo la sheegay inuu hakiyey Sharciyeynta Guddiga Saxaafadda Qaranka.

Madaxweynaha Xasan Sheekh oo la sheegay inuu hakiyey Sharciyeynta Guddiga Saxaafadda Qaranka.

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa u sheegay Dalsan Radio inuu Madaxweynaha Dowladda Federalka, Xasan Sheekh Maxamuud dib u dhigay Saxiixa Sharciyeynta Xubnaha Guddiga Saxaafadda Qaranka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuusan xilligan saxiixi Karin Guddigaasi, isla markaana laga sugayo Dowladda cusub ee la dooran doono inay sharciyeeyaan ama laalaan xubnaha Guddigaasi. Magacyadda Xubnaha Guddiga […]

- Advertisement -

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa u sheegay Dalsan Radio inuu Madaxweynaha Dowladda Federalka, Xasan Sheekh Maxamuud dib u dhigay Saxiixa Sharciyeynta Xubnaha Guddiga Saxaafadda Qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuusan xilligan saxiixi Karin Guddigaasi, isla markaana laga sugayo Dowladda cusub ee la dooran doono inay sharciyeeyaan ama laalaan xubnaha Guddigaasi. Magacyadda Xubnaha Guddiga Saxaafadda Qaranka ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh hakiyey inuu Sharciyeeyo, laguna faafiyo Faafinta Rasmiga ee Qaranka ayaa kala ah:

- Advertisement -
  1. C/qaadir Maxamed Faraax “Dulyar”
  2. Ismaaciil  Sheekh Khaliifa.
  3. C/raxmaan Yuusuf Sheekh “Al-cadaala”
  4. C/naasir Axmed Sheekh Bashiir “Saxansaxo”.
  5. Cumar Mustafa
  6. C/kariim Maxamed Xasan
  7. Farxad Fuleyl Xaaji Daahir
  8. Maryama Cabdi Axmed
  9. Maxamed Barre Xaaji Fiyoore oo isaga horey isaga casilay xubinnimadda Guddiga Saxaafadda Qaranka.

Dhinaca kale, Tallaabadan ayaa timid, iyadoo ay inta badan Hay’addaha Warbaahinadda iyo Maamul-gobaleedyadda ka biyo diidsan yihiin qaabka loo xulay xubnaha ka tirsan Guddiga Saxaafadda Qaranka.

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ) iyo Hay’adda Warbaahinadda Madaxa Bannaan ee SIMHA waxay horey uga biyo diideen Tallaabadda ay Xukuumadda Federalka bartamihii bishii June ee sannadkan ku ansixiyeen Dhismaha Guddiga Saxaafadda Qaranka.

NUSOJ iyo SIMHA waxay ku baaqeen in la ixtiraamo Codka Saxaafadda Somalia, lagana fiirsado Sharciyeynta Guddi lagu burburinayo Hawlaha iyo Xuquuqda Saxaafadda Madaxa-bannaan.

- Advertisement -

G/xigeenka Hay’adda SIMHA,  Maxamed Deeq Barre Xaaji Fiyoore oo ka mid ahaa Xubnaha Gudiga Saxaafadda Qaranka ayaa horey ugu  dhawaaqay inuu iska casilay Xubintii uu ka ahaa Guddigaas.

Golaha Wasiiradda ee Maamulka Puntland waxay bishii June 18-dii ka soo horjeesteen inay aqoonsadaan Guddiga Saxaafadda Qaranka oo ay Xukuumadda Federalka ansixiyeen. Wasiirkii hore ee Warfaafinta ee Maamulka Puntland,

Maxamuud Xasan Soo-cadde ayaa sheegay inaysan aqoonsanayn Guddigaasi, isla markaana uu Puntland umatali Karin Shaqsiga la sheegay inuu ka soo jeedo Deegaanadda Puntland.

©Radio Dalsan

Latest stories