HomeWarar(SAWIRO): FBI-da oo ku biirtay Baartitaanka Somali-Kenyanka xalay lagu dilay agagaarka Safaaradda...

(SAWIRO): FBI-da oo ku biirtay Baartitaanka Somali-Kenyanka xalay lagu dilay agagaarka Safaaradda Maraykanka ee Nairobi.

Date:

Related stories

Duq magaalo oo Mexico ah oo “guursaday” yaxaas si loo raadiyo barwaaqo

Duqa magaalada San Pedro Huamelula ee Mexico ayaa ka qeybgalay xaflad dhaqameed uu “ku guursaday” yaxaas loo labisay sida aroosad, iyadoo dadka deegaanka ay rumeysan yihiin in munaasabaddan ay keento barwaaqo, roob iyo wax-soo-saar wanaagsan.

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

zz Saraakiisha Ammaanka ee Kenya iyo Baarayaal ka socda Dembi-baarista Boliska Maraykanka (FBI)-da ayaa la sheegay inay bilaabeen baaritaanka maydka Nin ay Boliska Ilaaladda ka ah Safaaradda Maraykanka shalay ku toogteen meel ku dhow Dhismaha Safaaraddaasi oo ku taalla Xaafadda Gigiri ee magaalladda Nairobi. Marxumka la dilay oo 22-jir ahaa waxaa toogtay Sarkaal ka tirsan […]

- Advertisement -

zz
Saraakiisha Ammaanka ee Kenya iyo Baarayaal ka socda Dembi-baarista Boliska Maraykanka (FBI)-da ayaa la sheegay inay bilaabeen baaritaanka maydka Nin ay Boliska Ilaaladda ka ah Safaaradda Maraykanka shalay ku toogteen meel ku dhow Dhismaha Safaaraddaasi oo ku taalla Xaafadda Gigiri ee magaalladda Nairobi.

Marxumka la dilay oo 22-jir ahaa waxaa toogtay Sarkaal ka tirsan Boliska Kenya oo la sheegay in Tooray looga dooxay Madaxa iyo Laabta.

- Advertisement -

FBI-da iyo Saraakiisha Kenya waxay sheegeen in Ninka la dilay ay la socdeen 2 nin oo kale, kuwaasi oo baxsaday, markii ay Toogashadda dhacday.

Dhinaca kale, Afhayeenad u hadashay Safaaradda Maraykanka oo lagu magacaabo  Fiona Evans ayaa xaqiijisay Toogashadaasi, waxayna sheegtay inuusan jirin qof ka tirsan Shaqaalaha Safaaradda oo ku lug lahaa Dhacdadaasi.

Waxayna intaasi ku dartay in ay Mas’uuliyiinta Kenya lagala xiriiri karo wixii Faahfaahino dheeraad ah.

- Advertisement -

Baraha Bulshadda ayaa la soo dhigay Sawirka Maydka Ninka lagu dilay agagaarka Safaaradda Maraykanka ee Nairobi,  waxaana la sheegay inuu Marxumku ka soo jeedo Degmadda Wajeer ee W/bari Kenya.

Muuqaalada la soo dhigay Baraha Isku-xirka Bulshadda ayaa waxaaa ka muuqday ninka la dilay oo dhiig badan dhex yaalla.

usa-embassy2 usa-embassy-3 us-embassy1 us-embassy us-embassy-1 us-emba

us-embassy1 us-emba

©Radio Dalsan

 

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories