HomeWarar(DAAWO SAWIRADA): Bukaano dhaawacyadooda wax looga qaban waayey Muqdisho oo loo duuliyey...

(DAAWO SAWIRADA): Bukaano dhaawacyadooda wax looga qaban waayey Muqdisho oo loo duuliyey Sacuudiga.

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Wargeyska Al-riyadh ayaa qoray inay Dowladda  Sacuudiga Gargaar Caafimaad u fidisay in 15 qof oo dhaawacooda wax laga qaban waayey Isbitaalladda Muqdisho. Boqorka dalka Sacuudiga, Salmaan Bin C/casiis Ala-sacuud ayaa bixiyey amarka Bukaanadaasi oo haatan lagu daaweynayo Isbitaal ku yaalla Caasimadda dalkaasi ee Riyadh. Wargeyska waxa uu qoray in Diyaarad nooca  ay ku rakiban yihiin […]

- Advertisement -

Wargeyska Al-riyadh ayaa qoray inay Dowladda  Sacuudiga Gargaar Caafimaad u fidisay in 15 qof oo dhaawacooda wax laga qaban waayey Isbitaalladda Muqdisho.

Boqorka dalka Sacuudiga, Salmaan Bin C/casiis Ala-sacuud ayaa bixiyey amarka Bukaanadaasi oo haatan lagu daaweynayo Isbitaal ku yaalla Caasimadda dalkaasi ee Riyadh.

- Advertisement -

Wargeyska waxa uu qoray in Diyaarad nooca  ay ku rakiban yihiin Qalabka Caafimaadka loo soo diray Somalia, si ay dadkaasi dhaawaca ah uga soo qaadaan Garoonka Diyaaradaha Caalamiga Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.

Bukaanadda ayaa la sheegay inay habeen hore ka degeen Garoonka Saldhigga Ciiddanka Cirka ee magaalladda Riyadh, waxaana safarkooda ku wehliyey Koox ka tirsan Xarunta Boqor Salmaan ee Samafalka iyo Hawlaha Aadminimadda (King Salman Center for Relief and Humanitarian Action).

Dhinaca kale, wax faahfaahin ah lagaama bixinin goobaha ay ku soo dhaawacmeen Bukaanadda la qaaday, inkastoo Isbitaalladda  Madiina lagu daawaynayo qaar ka mid ah dadkii ku soo dhaawacantay qaraxyaddii iyo dagaalladdii ka dhacay Afgooye, Gaalkacyo iyo Beled-weyne.

- Advertisement -

image 0

image 0

image 1

image 0

©Radio Dalsan

Latest stories