HomeWararAfhayeenka Alshabaab oo sheegay in Askar Jabuutiyaan ku dileen weerarkii Is-miidaaminta ee...

Afhayeenka Alshabaab oo sheegay in Askar Jabuutiyaan ku dileen weerarkii Is-miidaaminta ee ka dhacay Beled-weyne

Date:

Related stories

Somaliland President Irro Set for Official Visit to Israel

Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi, known as Irro, is...

President Mohamud: Opposition lacks political vision since 2023

Somali President Hasan Sheikh Mohamud said opposition groups have...

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka Cammaan, Urdun...

Three Officers Wounded as Al-Shabaab Strikes Elite SOG Base in Mandera

Three police officers sustained injuries when suspected Al-Shabaab fighters attacked a Special Operations Group (SOG) camp in Fino, located in Lafey Sub-County, Mandera County, on Friday night.

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.
- Advertisement -

Dagaalamayaasha Alshabaab waxay maanta weerar loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa la beegsadeen Saldhigga Ciiddanka Jabuuti ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM ku leeyihiin Xaafadda H/wadaag ee Galbeedka Beled-weyne.

Afhayeenka Xarakadda Alshabaab ugu qaabilsan Hawlgalladda Milliteri, Sheekh C/casiis Abu Muscab ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka REUTERS inay Alshabaab ka dambeeyeen weerarkaasi, isla markaana ay ku dileen 17 Askari oo ka tirsan Ciiddanka Jabuuti ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Hadal ka soo baxay Maamulka Beled-weyne ayaa lagu sheegay in gaari xamuul oo miineysan lagu weeraray Saldhigga Jabuuti ku leeyihiin meel ku dhow Suuqa Ariga ee Kabo-lays ee duleedka Beled-weyne.

Maamulka waxay kaloo xuseen in laga war hayey gaariga ku soo wajahnaa Saldhiga Ciiddanka Jabuuti, laguna qarxiyey inta uusan soo gaarin Saldhigaasi.

Dhinaca kale, 2 Askari oo Jabuutiyaan ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen qaraxaasi, iyadoo warar kalena sheegayaan inay dhowr qof oo rayid ah ku geeriyootay Qaraxaasi.

- Advertisement -

Isbitaalka Dhexe ee Beled-weyne ayaa la geeyey dad rayid ah oo ku dhaawacmay Qaraxaasi iyo Rasaas ay Ciiddanka Jabuuti iyo kuwa Dowladda Federalka fureen qaraxa kadib.

©Radio Dalsan                                   

Latest stories