HomeWararUNHCR oo dib u bilowday in Diyaarado lagu soo daad-gureeyo Qaxootiga iskooda...

UNHCR oo dib u bilowday in Diyaarado lagu soo daad-gureeyo Qaxootiga iskooda uga soo laabanayo Xeradda Dhadhaab

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR) ayaa sheegtay inay in ka badan 33-kun oo Qaxooti Soomaali ah ku soo laabteen dalkooda hooyo tan iyo bishii December ee sannadkii 2014-kii. Warbixin ay Hay’adda UNHCR shalay soo soo saartay ayey ku faahfaahisay Taageeradda ay u fidiyaan Qaxootiga Soomaalida ee iskoodau go’ansada inay isaga soo hayaamaan Xeradda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR) ayaa sheegtay inay in ka badan 33-kun oo Qaxooti Soomaali ah ku soo laabteen dalkooda hooyo tan iyo bishii December ee sannadkii 2014-kii.

Warbixin ay Hay’adda UNHCR shalay soo soo saartay ayey ku faahfaahisay Taageeradda ay u fidiyaan Qaxootiga Soomaalida ee iskoodau go’ansada inay isaga soo hayaamaan Xeradda Dhadhaab ee W/bari Kenya.

- Advertisement -

Warbixinta waxaa kaloo lagu xusay in sannadkan oo kaliya dib u soo laabteen 27,077 Qaxooti Somali ah.

Dhinaca kale, Warbixinta Hay’adda UNHCR waxaa lagu xusay inay ku-dhawaad 517 Qaxooti isku diiwaan geliyeen labadii Isbuuc ee la soo dhaafay sidii Diyaarado loogu soo daad-gureyn lahaa.

UNHCR waxay xustay inay dib bilaabeen Duullimaadyadda Diyaaradaha lagu soo daabulayo Qaxootiga doonaya inay tagaan magaallooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo Kismaayo.

- Advertisement -

Labo Duullimaad ayaa la filayaa inay isbuuc kasta Qaxootiga ka dejiyaan magaalladda Kismaayo, waxaana suurto-gal ah in la sii kordhiyo, sida lagu xusay Warbixinta Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR).

Dhinaca kale, Qaxootiga la soo marsiin jirey dhulka ayaa la joojiyey bishi August 30-dii, kadib, markii ay Maamul-gobaleedka Jubbaland sheegeen inaysan qaabili Karin tiro badan oo ka mid ah dadka soo laabanayo.

Tallaabadda lagu dedejinayo Qaxootiga Soomaalida ee iskooda uga soo laabanayo Xeradda Dhadhaab ayaa timid, iyadoo Dowladda Kenya sheegtay inay Xeradaasi xiri doonaan bisha soo socota ee November 30-da, inkastoo ay Hay’addaha Caalamiga walaac xooggan ka muujiyeen Arrintaasi.

In ka badan 300,000 oo Qaxooti u badan Somali ayaa ku nool Xeradda Dhadhaab oo ah Xeradda ugu ballaaran ee Qaxootiga ee ka jira Caalamka.

qaxootiga-dhadhaab

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts